Dowlada Soomaaliya oo joojisay Duulimaadyada gudaha iyo Sababta oo la shaaciyay

0
207

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in si KMG ah loo joojiyay duulimaadyadii gudaha si looga hortago faafitaanka caabuqa Caronaviru ee laga helay gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in beri laga bilaabo si KMG ah loo jiijiyay duulimaadkii gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sababaha ay u joojiyeen duulimaadka gudaha ay tahay in ay jiraan dad kasoo gudbaya xadka Soomaaliya la wadaago wadamada dariska kuwaa uu sheegay in diyaarado gudaha dalka ugu kala safrayaan.

Wasiir Oomaar ayaa cadeeyay in gobol iyo deegaan gaar ah uusan saameyneyn xayiraadan KMG ah ee lagu soo rogay duulimaadka gudaha , waxa uuna tilmaamay in xayiraadan guud ahaan gobolada dalka ay saanmeeneyso.

Joojinta duulimaadka gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili horey dowlada u joojisay duulimaadyadii caalamiga ah, waxa ayna arimahan kusoo aadayaan xili kiiskii sadexaad ee Caronavirus laga helay magaalada Muqdisho.

Allbanaadir