Wasaarada Caafimaadka oo soo saartay liiska dalal rakaabka imanaya la karantiilayo

0
108

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Liiska wadamo dadka ka imanaya la karantiilayo muddo labo toddobaad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka socota 14 dal inay imaanayan dalka, kuwaasi oo ku xaniban garoomo ku yaala Caalamka.

Dowlada federalka ayaa muddo labo maalmood ah fasaxday duulimaadyada dalalka caalamka kadib markii cabasho ka timid muwaadiniin Soomaali ah oo ku xayiran garoomada diyaaradaha ay cagadhigtaan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka.