Coronavirus: Talooyiin ku saabsan sida aad iskaga ilaalin karto Covid-19

0
119

Coronavirus wax weyn ayuu ka bedelay sida aynu u noolnahay iyo xidhiidhka dadka ka dhexeeya.

Xaddiga talada dadka la siinayo ee ku saabsan sida qofku fayo qabkiisa u dhawri karo inta safmarkan taaganyahay ayaa isna aad u faro badan oo lagu dawakhayaa.

Waxaase halkan lagu soo koobay talooyink ku cawin kara.

Sideen isaga ilaaliyaa?

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxyaabaha ugu sahlan ee lagaga hortagi karo fayraska Covid-19 waa nadaafadda.

  • Faraxalo had iyo goor oo ku maydh saabuun iyo biyo, ama waxyaabaha kale ee isbiirtadu ku jirto oo gacmaha iskaga masax. Sidaa waxa ku dhinta fayraska gacmahaaga fuulaya.
  • Iska ilaali in aad taabato indhaha, sanka iyo afka. Gacmuhu waxay gaadhaan meelo badan oo ay fayraska ka qaadi karaan, fayraskuna jidhkaaga wuu geli karaa haddaad taabato.

Sidee loo joojin karaa faafidiisa?

  • Markaad qufacayso ama hindhisayso, waxaad sanka iyo afka ku dabooshaa maro ama Tissue, haddii aanad haysanna xagasha suxulkaaga ku dabool afka.
  • Isla markiiba tuur warqada aad afka ku qabatay. Ujeedada arrintaasi waxa weeyi in aad dhibcaha yaryar ee kaa soo baxaya aanay gaadhin dadka oo aanad qaadsiin (haddii aad qabto iyo hadii kaleba waa taxaddar uun)
  • Waa isla ujeedadaa waxa dadka loo leeyahay kala fogaada oo isku jirsada 2 mitir- waa qiyaastii gacmahaaga oo aad kala bixiso laba laabkood.
  • Meelaha qaar, dadka waxa kale oo la farayaa in ay guryaha joogaan oo aanay soo bixin hadday ka maarmi waayaan uun mooyee, waana si loo yareeyo in dadka qufacaya iyo kuwa hindhisaya aanay dadka dhex gelin.
  • Marka aad dibadda u baxdo, WHO waxay ku talinaysaa in ay muhiim tahay in aanad cidna gacan qaadin, ee salaantu gacan-haadis noqoto.

Maaskarada iyo Goloof-yadu wax ma tarayaan?

Maaskarada fudud ee dukaamada laga iibsadaa fayras ka kaama celinayaan. Sababtuna waxa weeyi in ay aad u khafiif yihiin, indhahana ma gaadhayaan muddo dheer na lama isticmaali karo.

Laakiin dhibcaha yaryar ee qofka qaba cudurka ka soo baxaya way ka qaban karaan dadka kale. Xasuusnow in dad badan oo qaba fayraska Sars-CoV-2 aanay wax calaamado ahi ka soo bixin, sidaa awgeed haddii qofku dad kale la joogo wuu xidhan karaa.

Goloofyada WHO waxay sheegtay in xataa hadaad gashato aad qaadi karto fayraska xataa adoo gashan hadaad wajigaaga taabato, fayrasku jidhkaaga wuu geliyaa.

Sideen ku ogaan karaa in Covid-19 igu dhacay?

Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto coronavirus waa xumad iyo qufac qalalan, waa kuwa ay tahay in aad si fiican uga war haysaa.

Cune-xanuunka, madax xanuunka iyo shubanka waa lagu sheegay dad cudurku hayo qaarkood, waxaana jirta arrin isa soo taraysa ah oo in uu keeni karo qofka oo wax urintu ka guurto.

Maxaan sameeyaa haddaan isku arko calaamadahaa?

Sida ay sheegtay WHO waa in aad gurigaaga joogtaa haddii aad xanuun isku aragto oo xataa calaamadaha fudud sida madax xanuun iyo duuf aan badnayn aad isku aragto, illaa inta aad ka bogsanayso. Xasuusnow in 80% dadka uu ku dhaco Covid-19 calaamadahaa yaryari ku soo bataan, waana muhiim in aad dadka kale ka fogaataa.

Haddii xumad, qufac iyo neefsiga oo kugu adkaada aad isku aragto waa in aad daryeel caafimaad doonataa, maadaama ay muujinayaan xanuun gaadhay habdhiska neefsiga iyo dhibaato kale ba.

Intaanad isbtitaalka gaadhin telefoon u sii dir, kollay shaqaalaha caafimaadka hawshaa ku badane si ay kaaga sii war qabaan oo halka kugu haboon kuugu weeciyeen.

Khatartiisu intee ayay la egtahay Covid-19?

Cilmi baadhis cusub oo lagu daabacay majallada The Lancet Infectious Diseases ayaa sheegtay in dadka qaada fayraskan boqolkiiba 0.66% ay u dhintaan.

Tiradani waxay aad uga badantahay 0.1% ee dadka uu dilo hargab xiliyeedka caadiga ahi, laakiin aad bay uga yartahay sidii markii hore la moodayey.

Laakiin illaa iyo hadda maadaama oo aan xog sugan laga hayn wadarta guud ee dadka uu ku dhacay, way adkaanaysaa in la xaqiijiyo heerka dhimashada Covid-19.

Tirinta heerka dhimashada marka cudur safmar ahi uu dillaacaa way adagtahay, sababta oo ah waxa jirto muddo u dhaxaysa marka qofka cudurku ku dhacay iyo marka uu u geeriyoodo.

Qiyaasta haatan laga helay jaamacadda Imperial College ee London waxaa weeyi in heerka dhimashadu ku dhawaad 10 goor ka badan tahay heerka caadiga ah ee dadka da’doodu 80 jirka ka weyntahay aadna uga hoosayso dadka da’doodu 40 jirka tahay.

Baadhitaankii ugu horeeyey ee wayn ee lagu sameeyey 44,000 oo dhacdo oo Shiinaha ah, waxa la ogaaday in dhimashu ugu yaraan shan laab ugu badnayd dadka qaba cudurrada macaanka, dhiig karka ama dhibaato ka haysatay marka hore ba neefsiga.

Dawo ma loo heli karaa?

Ma jiraan dawooyiin u gaar ah fayraskan ama talaal, dawooyinka anti-biotics la yidhaana kuma haboona (oo bakteeriyada ayay dilaane fayras ka ma dilaan).

Laakiin hab lagula tacaalaa jira oo dadka badankoodu ku bogsadaan. Saynisyahannada dunidu waxay aad isugu hawlayaan sidii ay talaal ugu heli lahaayeen, lakiin waa in marka hore tijaabo la soo mariyaa sida awgeedna si dhakhso ah u soo bixi maayo.

Sideen u daryeelaa caafimaadkayga maskaxda inta cudurkani socdo?

Waa xaqiiqo in wakhti adag lagu jiro.

Waxaana suurto gal ah in aad dareernto walaac, welwel iyo walbahaar iyo cidlo iyo cadho ba.

Si looga hortago cudurkan, ayay wasaaradda caafimaadka Britain iyo kuwa kale ee daafaha caalamka u soo saarayaan illaa 10 qodob oo muhiim ah oo qofka caafimaadkiisa maskaxda uu ku ilaalin karo:

  • Ehelka iyo asxaabta kula xidhiidh telefoonada, maqal iyo muuqaal ba iyo baraha bulshadaa
  • Wax yaabaha aad dhibsanayso ka hadal
  • Isku day in aad ka garowdo walaaca dadka kale qabaan
  • Qorshe u dhig sida aad isbedelka duruufta ula qabsanayso, sida cunta soo iibisigeeda, in aad guriga ka shaqayn karto iyo in kale
  • Jidhkaaga ilaali: si joogta ah u jimicso, canto dheeli tiran cun biyo badan cab. Sigaarka iyo khamriga badan iska ilaali
  • Xarumo lagu kalsoon yahay xogta ka qaado iskana yaree akhriska iyo daawashada wararka cudurkan
  • Diiqadda: Waa wax caadi ah in arrimuhu adkaadaan oo aanad waxba ka qaban karin, laakiin isku day in aad xooga saarto arrimaha aad wax ka qaban karto ee hab dhaqankaagu ka mid yahay.
  • Waxyaabaha aad jeceshay samee. Hadii ay duruuftu kuu saamixi weydo na intii karaankaga ah uun is bar.
  • Waxaad u fiirsataa waxa markaa taagan oo niyadana geli in xaalad laga baxayo.
  • Hurdado kugu filan seexo bunka badan iyo daawashada muuqaaladana iska yaree habeenkii.

BBC