Guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo laga gudbiyey MOOSHIN culus

0
153

Illaa 69 mudane oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maanta saxiixay moohin cusub oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Xildhibaanada mooshinkaa keenay ayaa ku eedeyey guddoomiyaha inuu jabiyey dastuurka u yaalla maamulkaasi iyo inuu sameeyey ku takri-fal awoodeed.

Sidoo kale Xildhibaanadaan ayaa sheegay in afhayeenka baarlamaanka uu ka gaabiyey howlaha shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan qabsoomida kulamada Xildhibaanada.

66-ka xildhibaan ee warqada ku saxiixan ayaa sidoo kale shaaciyey in guddoomiyuhu uu fara-gelin ku hayo golaha wasiirada ama laanta fulinta ee maamulka HirShabelle.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo muddooyinkii dambe uu sii xoogeynsanayey khilaafka u dhexeeya guddoomiye Barrre iyo madaxda sare ee maamulkaasi.

HirShabelle oo la sheego inay fadhiid tahay, marka loo eego maamullada kale ayaa waxaa hareeyey khilaafaad soo laalaabtay oo lugaha qabtay horumarka maamulkaasi.

Xildhibaanadaan ayaa taageersan Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana mudooyinkii dambe oo ifbaxayay Khilaaf Xoogan oo u dhexeeyo Waare iyo Gudoonka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Caasimada