Iska hor imaad gudaha Boosaaso ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo Daacish

0
86

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan uu dhex maray Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaano PSF iyo Maleeshiyo ka tirsan Daacish.

Iska hor imaadkan ayaa ka dmabeeyay markii maleeshiyo ka tirsan daacish oo watay gaari ay bartamaha Boosaaso ku weerareen Ciidanka PSF ee Puntland, iyadoo iska hor imaadka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hal askari oo ka tirsan Ciidanka PSF iyo mid ka mid ah maleeshiyada Daacish ayaa ku geeriyooday iska hor imaadka,  halka nolosha lagu qabtay xubin kale oo Daacish ah, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari ay wateen maleeshiyadii hubeysneyd, waxaana gaariga saarnaa hub iyo qaraxyo la sheegay inay doonayeen inay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso

Maalmihii u dambeeyay Ciidamada ayaa waday howlgalo amniga lagu xaqiijiyay, waxaana horay loo soo qabtay shabakado qorsheynayay weeraro inay ka geystaan magaalada Boosaaso.

Jowhar