Itoobiya iyo Sudan oo guddi u saaray xalinta xiisad ka dhalatay askari la dilay

0
163

Xiisad u dhaxeysay dowladaha dariska ah ee Sudan iyo Itoobiya ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ka taagneyd xadka labada dal wadaagaan, kadib markii ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen bar ay joogaan ciidamada Sudan.

Weerarka ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen ciidanka Sudan oo dhacay dhamaadka bishii hore ee April ayaa waxaa ku dhintay askari u dhashay dalka Sudan halka ay ku dhaawacmeen sadex askari oo kale.

Xiisada u dhaxysa Wadamada sudan iyo Itoobiya ayaa ka dhashay weerarka ka dhacay Xadka, waxaana dowlada sudan si kulul u cambaareesay weerarkaasi iyagoona ugu baaqay in ciidamada Itoobiya ka baxaan dhulka Fashaga.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Abdallah Hamdok iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa qadka teleefoonka uga wada hadlay xiisadda labada dal u dhaxeysa ee ka taagan dhinaca xadka.

Warbaahinta Qaranka Sudan ayaa baahisay in labada hogaamiye isku raaceen inay guddi dhamaystiran u xilsaaran xalinta xiisadda ka taagan xudduuda labada dal wadaagana si looga fogaado isku dhac kale.

Allbanaadir