Khilaaf markale soo dhex galay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland

0
73

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya magacaabida taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay Taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

Hase yeeshee qoaal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal dowladda Puntland.

Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.