Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Safiirka Ingiriiska ee Somaaliya

0
116

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wada hadal khadka taleefanka la yeeshay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalida Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen dib u heshiisiinta ay hirgeliyeen Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo ay ammaaneen sida dhinacyada isku hayay doorashada uga tanaasuleen khilaafkii u dhaxeeyay.

Arrimaha kale oo ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo xilligan hakadka ku jira, iyadoo dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay aheyd dowladdii soo bilowday wada hadaladaas.

Ugu dambeyn Sheekh Shatiif iyo Safiirka Ingiriiska ayaa isla gartay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hannaan doorasho oo xor ah.

Jowhar