Turkiga oo Imaaraadka ku eedeeyay in qalalaase kawadaan dalal ay Soomaaliya ku jirto

0
62

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, labadan dal ayaana u dhaxeysa xiisad ka dhalatay dagaalka ka socda dalka Liibiya oo labada dal kala taageeraan dhinacyada is haya.

Wasiirka arrimaha dibedda dowlada Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay in dowlada Imaaraadka Carabta faragalin muuqata ku heyso dalalka Liibiya ,Yemen iyo Soomaaliya.

Mevlut Cavusogl ayaa sheegay in dowladaha Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay dowlada Imaaraadka.

“Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowlada Imaraadka Carabta in ay taageerto kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowlada Soomaaliya.

Eedeyntan kasoo yeertay dowlada turkiga ayaa kusoo aadaya xili Dowladaha imaraadka, Masar, Gariiga, Qubrus iyo Faransiiska soo saareen Bayaan lagu cambaareenayo faragalin milatari oo la sheegay in Turkiga ku hayo Liibiya.

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa si cad ugu taageera Jeneraal Khalifa Haftar in uu lua wareego caasimada Liibiya oo saldhig u ah dowlada la aqoonsan yahay, waxaana Turkiga dhankiisa taageero la garab joogaa Dowlada Liibiya.

Allbanaadir