BF oo loo gudbiyey mooshin ku saabsan kuraasta Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

0
51

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyey mooshin xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir.

Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dalbaday in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir la gaarsiiyo illaa 13 Senator.

Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay illa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddoomay Gudoomiye Mursal.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa ku doodayo inay lagama maarmaan tahay in Gobolka Banaadir uu helo saami la mid ah kuwa maamul Goboleedyada maadaama Muqdisho tahay Caasimaddii dalka.

Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka uu cod u qaado mooshinkaan, waxaana jiro olole xooggan oo iska soo horjeedo oo ku saabsan mooshinkaan, waxaana la saadaalinayaa in la ansixin doono maadaama xildhibaanada mooshinka gudbiyey ay wadaan dadaal xooggan.