Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo ugu dambeyn la isu keenay, lana xaliyay khilaafkii…

0
77

Isimada Puntland ayaa ku guuleystay inay isu keenaan Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Karaash, kaddib waan waan ay muddooyinkii u dambeeyay ka dhex wadeen.

Labada Mas’uul ayaa todobaadyadii u dambeeyay u dhaxeeyay khilaaf xooggan oo ka dhashay magacaabis xilal,  waxaana ay keentay in warqado iska soo horjeeda ay soo kala saaraan.

Isimada Puntland ayaa wixii ka dambeeyay markii khilaafkaas soo shaac baxay waxay dadaalo ka dhex wadeen labada dhinac, si loo xaliyo khilaafka loona soo afjaro.

Kulan goor dhow ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa la isugu keenay Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Karaash, waxaana labada mas’uul ku balanqaadeen inay eesha ka saarayaan kala aragti duwanaanta ka dhex taagneyd.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay Madaxweyne Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo ay dhinac taagan yihiin Isimada Puntland ee maalmahan waan waanta ka dhex waday.

Jowhar