Weerar Ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday xero ay joogeen Milatariga Somaaliya

0
85

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay waabirigii hore lagu qaaday saldhig milatariga Soomaaliya kaga sugnaayeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisu ahaa Layla Calaawe ama Land ruser oo qaraxyo laga buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore saldhiga ciidanka milatariga gaar ahaan qeybta 21-aad ka degan  yihiin Deegaanka Bacaad weyn.

Guddoomiyaha Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin Cabdullaahi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta ah ku dhinteen labo askari oo joogay kootarool saldhiga laga galo iyo sidoo kale dadkii gaariga qarxay la socday.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan gaari cida magaalada soo galisay iyo sida uu u dhacay, waxa uuna tilmaamay in hada ay degan tahay xaalada deegaanka uu qaraxu ka dhacay.

Taliska Milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ayaan wali ka hadlin qaraxan saakay ka dhacay deegaanka Bacaadweyn, waxaana qaraxan uu imaanayaa xili ciidanka milatariga gobolka Mudug ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Allbanaadir