16,500 Arday oo u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

0
65

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta daah-furay Imtixaanadka Shahaadiga ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in sanadkan ay Imtixaanka u fariisanayaa illaa 16,500 oo ardey oo kala ah fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo kan 8-aad ee dugsiga Dhexe.

Deni ayaa si gaar ah Imtixaanaadkan uga daah-furay iskuulka Cumar Samatar oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.