Colaado beeleed laba sano ka taagnaa Mudug oo heshiis laga gaaray

0
79

Shir lagu dhamaynayay colaado beeleed oo labadii sano ee lasoo dhaafay ka taagnaa gobolka Mudug, ayaa lagu so geba-gebeeyay degmada Galdogob iyadoo heshiis ay gaareen beelihii colaadda u dhexeysay.

Shirka oo ay hormuud ka ahaayeen hogaanka dhaqanka iyo qeybaha ayaa lagu kala qaatay magta 26 qof oo ku dhintay dagaalkii u dhexeeyay beelaha.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa qodobadii agu heshiiyay iyo waxyaabihii shirkaasi kasoo baxay ka waraystay wasiirka warshadaha ee Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xersi.

VOA