Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano xalay kulmay

0
87

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kula Kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlay Shirka Dhuusamareeb, waxaana Xildhibaannada ugu baaqeen Madaxweynaha in aanu aqbalin qorshaha Maamul Goboleedyada wadaan ee doorasho dadban.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Xildhibaannada inuu tagi doono Dhuusamareeb, wixii uu kala soo kulmana uu talada iyaga ku soo celin doono.

Xildhibaannada ayaa Madaxweynaha la wadaagay walaacooda ku saabsan shirka Dhuusamareeb, iyagoo sheegay waxa ka socda Dhuusamareeb aysan sax aheyn, isla markaana maamul goboleedyada sharci u heysan inay go’aan ka gaaraan doorashada dalka oo baarlamaanka mas’uul ka yihiin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa fadhigii shalay ka sheegay in aanay aqbaleyn doorasho dadban, wixii shuruuc ah oo doorasho lagu aadayo uu Baarlamaanka xaq u leeyahay oo aanay laheyn Dowlad Goboleedyada.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo looga hadli doono arrimaha doorashada.

Jowhar