Ra’isulwasaarihii hore ee Somaaliya oo geeriyooday

0
87

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Xasan Abshir ayaa Ra’isulwasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.

Caasimada