Wasiir Beyle Oo Aaladda Fogaan Aragga Kula Shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka

0
66

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aalada fogaan aragga kula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar oo ay ka wada hadleen saameynta uu cudurka safmarka ah ee COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha.

“Waxa aan maanta si fogaan arag ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar oo aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee COVID-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Kulanka oo ahaa mid xog wareysi iyo kala warqaadasho ayaa ku soo idlaaday guul.