Sarkaal ka tirsan ciidanka NISA oo lagu weeraray hoygiisa

0
98

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax lagu weeraray guri halkaas ku yaalla oo la sheegay inuu degan yahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee Galmudug

Guriga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa uu ku yaalla xaafadda bilan gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Qaaxada.

Nin hubeysan ayaa waxaa la sheegay inuu gurigaas ku weeraray bam gacmeed qaraxiisa laga maqlay gudaha degmadaas, isagoo markii qaraxaas fuliyeyna ka baxsaday goobta.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Saraalka la weeraray oo xiligaasna ku sugnaa gurigiisa ayaa ka badbaaday bamkaas, lamana soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay

Qaraxa ka dib waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Maamulka Galmudug oo xoojiyey amaanka degmada, isla markaana bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo raggii bamka tuuray.

Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa horey uga mid ahaa Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee degaanada Galmudug laga saaray, Waana weerarkii ugu horreeyay noociisa ah ee ka dhaca Guriceel sanado ka dib, waxaana la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen Al-shabaab oo looga bartay weerarada noocan ah.

Allbanaadir