Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii shacabka iyo Al-Shabaab

0
97

Waxaa deggan xaladda deegaanka Shabelow ee gobolka Mudug oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeyay malayshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, kaas oo sababay dhimashada 15 kamid ah dhinacyadii dagalamay.

Sagaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa dagaalkii shalay ku dhintay, sida ay dadka deegaanka u shegeen VOA. Waxaa sidoo kale la dilay 5 ka mid ah Al-Shababkii weerarka ku qaaday deegaanka Shabeelow.

Galinkii dambe ee shalay ayaa dhalinayaro hubaysan oo isu abaabulay qaab beeleed waxa ay markale weerar ku qadeen malayshiyaadkii Al-Shabaab ee weeraray deegaanka Shabeelow, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu soo gaaray Casir liiqii.

VOA