Midowga Culimada Islaamka oo sheegay in baxreyn ay ku deg-degtay heshiiska ay la gashay Israel

0
86

Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay la gashay Israel taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda islaamka ah.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan, isagoo tilmaamay heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.