Shan su’aalood oo horyaalla madaxda Muqdisho ku shiraysa

0
89

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyaada oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkan oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay ayaa ugu dambeyntii maanta barqadii ka furmay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay dedaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ay ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dedaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka, ” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Shirkan ayaa imaanaya kaddib markii shirkii Dhuusamareeb 3 ay ka maqnaayeen madaxda labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo dood ka qaba natiijadii ka soo baxday shirkaasi hore.

Madaxdii se ka qaybgashay shirkaa hore ayaa iyagu doonaya in halkaa laga sii wado wixii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb. Haddaba kulankan labadii maamul ee hore u maqnaa waa ka qayb hadda waxaa se laftiisa weli horyaalla shan su’aalood oo la is weydiinayo sida uu u furdaamin doono shirkani jawaabtooda.

Shirkii Dhuusamareeb ma is waafaqi doonaan shirkan?

Shirkii ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ahaa shir si weyn indhaha loogu hayey iyada oo la filayey waxa ka soo baxaa inay ahaan doonaan waxa jaangoyn doona xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ku jirtay. Laakiin baaqashadii Jubaland iyo Puntland ayaa shaki weyn geliyey sida ay u hirgeli karaan wixii ka soo baxay kulankaas. Hadda se waa ka qayb. Balse waxaa is weydiin leh ma ku raaci doonaan madaxda maammullada kale iyo madaxweynaha wixii ka soo baxay shirkii hore, mise waxa ay keeni doonaan shuruudo cusub iyo qodobbo kale oo ka duwan wixii ka soo baxay kii hore.

______________________________________

SHARRAXAAD KOOBAN: NOOCA DOORASHO EE LA SOO JEEDIYAY SHIRKII HORE EE DHUUSMAREEB 3

  • Doorasho deegaan walba waxaa ka codeyn doonto 301 qof
  • Maamul goboleed kasta wuxuu yeelan doonaa ugu yaraan afar deegaan doorasho
  • Hal maalin ayaa goobahaasi oo dhan laga codeyn doonaa
  • Xubnaha baarlamaanka maamul goboleedayda ayaa u codeyn doono xubnaha aqalka sare
  • 30% kuraasta dumar ayaa loo qoondeeyay

_______________________________________l

Baarlamaanka waxa lagu heshiiyo ma la horgeyn doonaa?

Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo shirkii Duusamareeb ka hor la hadlay golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in qodobada shirka ka soo baxa uu baarlamaanka dib ugu soo celin doono.

” Waxaan mar kale idiin caddaynaayaa bacdamaa aad tihiin codka shacabka oo aad matashaan ummadda Soomaaliyeed ayna tahay inaan baranno golahanni wuxuu wakiil u yahay dawlad goboleedyada wuxuu wakiil u ahay shacabka Soomaaliyeed go’aankaa gaartaanna waaa in dalka oo dhan laga aqbalo, waa sida caalamku ku shaqeeyo waxaan idiin cadaynayaa in aan halkan ku soo celin doono heshiis walba oo aan la gaarno madaxda dawlad goboleedyada si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan haduu Ilaahay yiraahdo.”ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

Heshiiskaas ay wada gaareen dhinacyadii ku shirayay Dhuusamareeb oo ahayd in la horgeeyo Baarlamaanka sida uu madaxweynuhu sheegay ma ay dhicin, waxaa se weli taagan kan hadda haddii wax lagu heshiiyo ma la hor geyn doonaa? Haddii se la horgeeyo wax ka ma beddeli doonaan? Haddii se wax laga beddelo maamulladu ma aqbali doonaan?

Abukaate Zakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan ayaa horey BBC-da waxa uu u sheegay inay qasab tahay in baalamaanka loo gudbiyo qodobada lagu heshiiyay si ay uga doodaan.

“Baarlamaanka waa in la horgeeyaa oo baarlamaanka uu qaraar ka soo saaraa oo ay ku sharciyeeyaan,” ayuu yiri.

Abukaate Sakariye ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka ay xaq u leeyihiin in ay isbeddel ku sameeyaan qodobbada lagu heshiiyo.

“Haa marba haddii ay qaraar ka soo saarayaan wax way ka badali karaan (Baarlamanka) waxna way diidi karaan,isaga oo dhan ayay diidi karaan ama wax bay ka badali karaan ama way aqbali karaan,” ayuu yiri Abukate.

Waxaan kala cadeyn sida ay dhinacayda kale ee maamuul goboleedyada saxiixay heshiiskan u qaadan doonaan hadii tusaale ahaan baarlamaanka ay isbadel ku sameeyaan heshiiska.

Qodobbada ay soo saari dooonaan ma is waafaqi doonaan sharciyadii hore?

Qaar ka mid ah qodobada ku jiray heshiiskii hore ayaa ka hor imanayey sharciyo horey loo ansixiyay oo ku aaddan doorashooyinka oo ay baarlamaanku meelmariyeen madaxweynuhuna saxiixay.

Qodobada ku jira heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in la qabto doorasho dadban. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxay horey u ansixyeen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Abukaate Sakariye ayaa qaba in qodobka ku saabsan qabashada doorasho dadban uu yahay mid ka hor imanaya dastuurka dalka iyo shuruuc ay horey baarlamanka ay u soo sareen.

Waxa uu intaa ku daray in dastuurka iyo shuruucda doorashada labadaba ay ku qoran tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay Abukaate Sakariye in caqabadahaasi sharciga laga gudbi karo oo ay baarlamanka isbadal ay ku sameyn karaan.

“Xaga sharciga dhib wayn kama iman karo oo baarlamaanka isagaa sharciyeeye ah, isaga ayaa la hor dhigayaa, haddii ay siyaasiyan u aqbalaana isbeddal ayaa lagu samaynayaa,” ayuu yidhi abukaate Sakariye.

Meeday kaalintii xisbiyada siyaasaddu?

Qodobada heshiiskii hore ee Dhuusmareeb 3 ku jiray waxaa ka mid ah in doorashada lagu galo qaab xisbiyo siyaasadeed. Balse waxa sidoo kale xusid mudan in heshiiskaas la gaadhay aysan qeyb ka ahayn axsaabta ilaa iyo imika dhisan. Shirka maanta furmayna waxaa muuqata inaysan qeyb ka ahayn xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Abukaate Sakariye Yuusuf ayaa rumaysan in caqabada ugu wayn ay halkaasi ka iman doonto.

“Heshiisyada qabyada ah waxay ahayd in ay ka qeyb galaan dhammaan saamileyda ay khuseyn doonto,” ayuu yiri Abukaate Sakariye.

Waxaa uu intaa ku daray in xisbiyada siyaasadda aan lagala tashan heshiiskii Dhuusamreeb 3, balse hesiiska uu qeyb ka yahay qodob khuseeyey iyaga.

Saddex bilood ma lagu soo afjari karaa dhammaan hawlaha taagan haddii ay heshiiyaan?

Heshiiskii hore ayaa ku baaqay in doorashada ay ku dhacda wakhtigeeda. Waxaana isla kanna laga filayaa in qodob sidaa u dhigani ka soo bixi doonaan, iyada waxa ugu weyn ee horyaallaa yahay in lagu heshiiyo nooca doorasho ee dalku geli doona. Waxaase dad badan su’aal iska weydiinayaan suuragalnimada in muddada seddaxda bilood ee ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka lagu qabanqaabin karo doorasho dalka ka dhacda, siiba haddii la qaato tii lagu sheegay shirkii Dhuusareemb 3.

Balse Dr Cabdiwahaab ayaa qaba inay u badan tahay in aanay suuragal ahayn loona baahan doono farsamo ahaan in muddo kordhin cayiman loo sameeyo xukumadda iyo baarlamaanka.

” Guddiga doorashada ayay u taallaa inay sheegeen wakhtiga ay dhici doonto doorashada. Waxaana laga yabaa in baarlamaanka ay u codeeyaan muddo kordhin si loo helo wakhti ku filan oo lagu diyaariyo doorashada”, ayuu Dr Cabdiwahaab.

BBC