Abaabulka mooshin culus oo ka socda Garoowe & wararkii ugu dambeeyey

0
83

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ay wadaan mooshin haatan qorshihiisa uu ka socda magaaladaasi.

Mooshinkan oo abaabulkiisa uu maalmihii u dambeeyey ka socday Garoowe ayaa xalay soo shaac-baxay, kadib markii xildhibaanada wada ay kulan isugu yimaadeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay Caasimada Online u sheegeen in mooshinkaasi laga wada guddoonka sare ee golaha wakiilada Puntland, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka maamulkaas, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Warsame Maxamed.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeynaya labadaasi mas’uul inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi raacinaya in mooshinka illaa iyo hadda ay saxiixeen ku dhowaad illaa 50 mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Puntland.

Xoga aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in qorshuhuu in mooshinkaasi isla maantaba la horgeeyo xildhibaanada maamulkaas oo kulan ku yeelanaya magaalada Garoowe.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed iyo mooshinka ka socda Garoowe ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadkan uun uu furmay kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka Puntland.

Caasimada