Meydka Cali Khaliif Galeyr oo maanta lagu aasayo magaalada Muqdisho

0
83

Meydka Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo laguna aaso magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in salaada janaasada lagula tukan meydka Galeyr Garoonka diyaaraaha Aadan Cadde kadibna la aasi doono.

Salaada janaasada iyo aaska meydka Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.