Muwaadiniin Somaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Koonfur Afrika

0
55

Wararka ka imaanaya magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxo burcad hubeesan deegaanka Cosmos dil iyo dhaawac ugu geesteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo goob ganacsi ku lahaa.

Burcada ayaana la sheegay in rasaas xoogan ku fureen muwaadiniintan Soomaaliyeed xili shaqadooda ku jireen, waxaana weerarkaan lagu dilay labo kamid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobtaasi ganacsi halka mid kalana lagu dhaawacay.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaana dilka kadib goobtaasi gaaray, mana ku guuleesan ciidamada sida looga bartay in ay soo qabtaan burcada hubeesan ee dilka iyo dhaawaca u geestay ganacsatada Soomaaliyeed.

Wiilasha dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika ayaa magacyadooda lagu sheegay Abdi Salaan Ahmed Kooke oo la sheegay in dhawaan uu tagay dalka Koonfur Afrika iyo Nuuriye Warsame Qeys.

Dalka Koonfur Afrika ayaa dilalka loo geesto muwaadiniimn Soomaaliyeed noqdeen kuwa joogta ah, waxaana dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal qof oo Soomaali ah una badnaa dhalinyaro.

Allbanaadir