Muxuu Trump u doonayaa in Suudaan ay la saaxiibto Israa’iil?

0
75

Iyadoo Suudaan ay ku sugan tahay xaalad aad u adag – dhaqaalahii oo burburaya, shicir-barar xooggan iyo dhibaato cunto oo dalka oo dhan ka jirta – ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo dowladda Israa’iil waxa ay halkaas ka arkeen fursad.

Rajadii dadka dalkaas ay qabeen ayaanan weli rumoobin 18 bilood kaddib markii dibadbaxyo aan qulqulatooyin wadan xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamulayay ee Cumar Xasan al-Bashiir.

Hasayeeshee haddii Sudan ay aqoonsato Israa’iil markaas Mareykanka waxa uu ka saarayaa liiska dalalka maalgaliya argagixisada, arrintaas oo albaabka u furaysa tallaabooyin asaasi ah oo lagu dajinayo dhaqaalaha dalkaas.

Waa sheeko culus oo ka soo bilaabatay 30 sanadood ka hor, waa horraantii dowladdii Islaamiyiinta ee Suudaan.

Kaddib markii uu xukunka afgambi milateri kula wareegay 1989, ayuu Madaxweyne Bashiir waxa uu Khartuum ka dhigay xarun caalami ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka jihaad-doonka ah.

Urur waynaha Al-Qaacidah iyo ururo kale oo xagjir ah ayaa waxa ay Suudaan u adeegsadeen saldhig ay ka qaadeen weerraro argagixiso oo lagu beegsaday Mareykanka, Sucuudi Carabiya, Masar, Itoobiya, Uganda, Kenya iyo goobo kale.

Kaddib weerrarkii ugu horreeyay ee argagixiso ee lagu qaado Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York 1993, ayuu Mareykanka Suudaan waxa uu ku daray liiska dalalka argagixisada maalgaliya.

Wadashaqeynta CIA-da

Cunaqabataynta dhaqaale ee caalamiga ah iyo cadaadiska milateri ee dalkaas uga imanaya dalalka dariska ah ee taageeraya fallaagada Suudaan ayaa Suudaan saddex sano kaddib ku riixay inay dalkeeda ka saarto Usaama bin Laadin iyo jihaadiyiin kale.

Waxyar kaddib weerrarkii 11 Sibteembar 2001, ciidammada ammaanka ee Suudaan ayaa saaxiib qiima leh waxa ay u noqdeen Wakaaladda Sirdoonka ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CIA).

Arrintaas iyadoo lagu salaynayo Suudaan waxa ay aheyd in laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagixisada.

Hasayeeshee xubnaha Aqalka Kongareeska ayaa cadaawad ugu hayay sababo kale, oo ay ka mid yihiin dagaalka Darfuur iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, sidaas daraadeedna Suudaan liiska lagama saarin.

Dowladda Bashiir-na weli waxa ay ku sii shaqeynaysay habkeedii caadiga ahaa, oo ay way sii wadday xiriirkii ay la laheyd Iiraan iyo Xamaas, ugu yaraan laba jeerna diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxa ay duqeeyeen kolonyo gawaari ah oo ku safraysay xeebta Badda Cas, kuwaas oo ay Israa’iil ku eedaysay inay hub u sideen Xamaas.

2016, cadaadis Bashiir uga yimid dhinaca Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu xiriirkii u jaray Iiraan.

Hasayeeshee kaddib kacdoonkii dimuqraadiyadda ee dalkaas ka dhacay sanadkii tagay, Washington DC far ma dhaqaajin.

Saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxa ay doonayaan inay sii socoto mid ka mid ah waxyaabaha awoodda badan ee ay adeegsadaan. Waxa ayna ka walwalsan yihiin in maamulka cusub ee dimuqraadiga ah uusan waqti badan sii jirin.

Senatarrada ayaa hor istaagay in liiska Suudaan laga saaro

Dhibaatada ayaa aheyd in sii socoshada cunaqabataynta Suudaan ay si fudud u noqon karto mid adkaynaysa in wax isbadal ah la gaaro, taas oo dalka u horseedi karta inuu noqdo dal guuldarraystay.

Inta Suudaan ay ku jirto liiska madow, waxaa sii soconaya cunaqabataynta saaran. Ganacsiyada Suudaan ee saxda ah ayaa la curyaamiyay, waxaa la xannibay maalgelinta tooska ah ee shisheeye halka Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka aanay dhaqaale siin karin dalkaas maadaama lagu leeyahay dayn aad u badan oo gaaraysa $72bn.

Heerka gaajada maanta ee waddanka Suudaan ayaa ah wax aad looga fajaco: Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegaysaa in 9.6 milyan oo qof “ay wajahayaan xaalad cunno yari oo baahan”.

Waa xaaladda uga sii daray xayiraaddii Covid-19 iyo daadadka. Waa dhibaato aanan loogaga gudbi karin cunno la qaybiyo – hasayeeshee waxa ay u baahan tahay kaalmo dhaqaale oo xooggan in dalkaas la gaarsiiyo.

Bilihii la soo dhaafay, heshiis Suudaan loogaga saarayo liiska argagixisada ayaa si tartiib-tartiib ugu dhex wareegayay Kongareeska, waxaana hakinayay dalabaad ka soo baxayay ehelada dadkii wax ku noqday weerraradii Al-Qaacidah ee Bariga Afrika iyo Yemen ee ah in magdhaw la siiyo.

Suudaan ayaa ogolaatay in la siiyo kharash dhan $335m. Hasayeeshee bishii Sibteembar labada senator ee kala ah – Chuck Schumer iyo Bob Menendez ayaa hor istaagay tallaabadaas, oo qeyb ahaan waxa ay doonayeen in meesha aanan laga saarin kiiska baroordiiqda ee qarabada dadkii ku waxyeeloobay weerrarkii 9/11.

Maamulka Trump ayaa waxa uu Suudaan u hayaa waddo ay dhibaatadaas kaga bixi karaan.

Booqashadii uu dabayaaqadii bishii Agoosto ku tagay magaalada Khartuum ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanku Pompeo waxa uu heshiis u soo jeediyay ra’iisul wasaaraha rayidka ah ee Suudaan Cabdalla Xamduuk: waa haddii ay Suudaan aqoonsato Israa’iil, Madaxweyne Trump waxa uu ka weecan doonaa diidmada Kongareeska.

Kaddib go’aankii ay gaartay Isutagga Imaaraatka Carabta bishii la soo dhaafay, ayaa Suudaan oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta, waxa uu noqon doonaa dalka shanaad ee Carbeed ee wadadaas raaca.

Arrintaas waxa ay si wayn u sii xoojin doontaa ololaha lagu caadiyaynayo xiriirka Carabta iyo Israa’iil todobaadyada ka horreeya doorashada.

Aqoonsiga Israa’iil ayaa laga yaabaa inay Suudaan ay u noqoto tallaabo muhiim ah – taasna dhab ahaantii waa nuxurka arrinta.

Heshiis u wanaagsan janaraallada

Mucaaradadda ugu wayn ee xooggan waxa ay kaga imanaysaa dhinaca Islaamiyiinta, haatanse awood malaha. Hasayeeshee arrintaas waa mid muran badan uu ka taagan yahay guud ahaan markii la eego siyaasadda dalkaas, iyo isbahaysiga rayidka ah oo ay ku jiraan dad badan oo ku adkaysanaya in marka hore heshiis lala galo Falastiiniyiinta.

Mr Xamduuk ayaa og in taageerayaasha isbahaysiga rayidka ah ay u badan tahay inuu arrintaas kala tuuri doono waa haddii uu go’aan gaaree.

Waxa uu Mr Pompeo u sheegay in go’aan arrintaas ay ka gaari karto dowlad si dimuqraadi ah loo soo doortay, taas oo lagu wado inay dhacdo muddo saddex sanadood ku siman.

Walow Mr Xamduuk iyo golihiisa wasiirrada ee rayidka ah ay xilka hayaan, haddana janaraallada Suudaan ayaa awoodda rasmiga ah ku fadhiya.

Kuwaas oo ay baritaaraan Isutagga Imaaraatka Carabta, Sucuudi Carabiya iyo Masar, ayaa gudoomiyaha golaha ku meelgaarka ah, Janaraal Cabdulfataax Al-Burhan iyo kuxigeenkiisa Janaraal Maxamed Xamdaan Dagolo, oo sidoo kale loo yaqaan “Xemeti”, ayaa waxa ay maamulaan ciidammada iyo lacagta.

Waana jaranaalladaas waxa Israa’iil la macaamilaya. Janaraal Burhaan ayaa waxa uu bishii Febraayo la kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu – isagoon ogaysiin Mr Xamduuk – waxaana lagu wadaa in labada nin ay markale dhawaan kulmaan.

Janaraal Burhaan iyo Janaraal Xemeti, ayaa heshiiska Mareykanka iyo Israa’iil waxa uu u bidhaaminayaa aqoonsi caalami ah oo ay helaan iyagoon wax dimuqraadiyad ah gaarin.

Taasina waa sababta dimuqraadiyiinta Suudaan ay weli u dalbanayaan in si taxadar uu ku jiro loo dhowro.

Markii dibadbaxyadii caanbaxay ay horseedeen in xilka uu bishii Abriil ee sanadkii hore uu banneeyo madaxweyne Bashiir, ayay Janaraal Burhan iyo Janaraal Xemeti xilka la wareegeen. Laba bilood kaddib ciidammadooda ayaa waxa ay dileen in ka badan 100 qof oo dibadbaxayaal ah.

Arrintaas waxa ay horseedday carro ballaaran, markaas kaddib, ayaa heshiis ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka, UK, Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, waxaa lagu gaaray awood qaybsi uu qayb ka yahay gole wasiirro oo rayid ah.

Short presentational grey line

Warbixinta waxaa qoray Alex de Waal maareeyaha guud ee World Peace Foundation.

BBC