Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

0
88

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeesay kooxda Al Shabaab in ay gubeen 7-gaari oo nuuc xamuulka qaada ah kuwaa oo ka baxay magaalada Baladweyne kuna sii jeeday magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool.

Afhayeenka ciidanka booliiska Sadiq Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab gubeen gaadiidkan xamuulka u waday magaalada Xudur, waxa uuna xusay afhayeenka in gaadiidkaasi lagu gubay tuulada Emed Koore ee gobolka Bakool.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka.

Al Shabaab ayaana wali ka hadlin warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ee ku aadan in ay gubeen gaadiidka xamuulka siday, waxaana Al Shabaab horey u go’doomiyeen magaalada Xudur iyo magaalooyin kale oo dalka kuyaala oo ay diideen in raashin la geeyo.

Allbanaadir