Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo yeelanayo kulan deg deg ah iyo go’aanka laga filan karo

0
70

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la filayaa inay Magaalada Garoowe ku yeeshaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Ra’isulwasaare Rooble.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay soo saaraan war murtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladaha soo kordhay iyo halka ay ku dambeysay waanwaantii uu Dowladda iyo Maamuladaan ka dhex waday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Axmed Madoobe ayaa Saciid Deni ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka shaqeeyey fashilka ku yimid waan waantii uu waday madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa laga filayaa inay gebi ahaanba qaadacaan Doorashada ay wado dowladda hadda jirta ama inay sidii hore ku baaqaan shir la isugu yimaado oo lagu xaliyo caqabadaha hortaagan Doorashada 2021.

Mushariixinta Madaxweynaha ayaa xalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku beeniyay Warkii kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee ahaa inuu jawaa ka waayey, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo Doorasho loo boobo.

Caasimada