Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay go’aanka xukumadda ee doorashooyinka

0
66

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku gacanseyray go’aankii doorashada ee ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in la qaban doono doorashada iyadoo wali uu taagan yahay khilaaf ku aadan doorashada.

Cabdi Xaashi ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta, haddii la qabto doorasho aan hehsiis lagu wada aheyn.

“Wa nasiib darro weyn oo xukumaddu ku dhawaaqda in dalku doorasho galaya iyadoo aan wali wax xal ah laga gaadhin tabashooyinka laga keenay guddiyada doorashada lagu muransan yahay, doorashada xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi, khilaafka ka taagan gobolka Gedo iyo arrimaha kale ee la xidhiida maamulka iyo habraacyada loo marayo doorasho laysku waafaqsan yahay oo dalka oo dhan isku mar ka dhacda”,ayaa lagu yiri qoralka oo la sheegay inay ku mideysan yihiin siyaasiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay shalay ku dhowaaqaday in xukumaddu go’aansatay qabashada doorashada dalka, si aan dadka Soomaaliyeed looga lumin waqti kale, iyadoo buu yiri aan cidna loo joojin doonin.

BBC