Madaxweynaha Koofur Galbeed oo u ambabaxay Baydhabo iyo doorashada Aqalka Sare…

0
59

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa goordhow u ambabaxay Baydhabo, kaddib todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koofur Galbeed uu noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, sababta safarka Madaxweyne Lafta Gareen qeyb ka tahay bilaabida doorashada.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, kaddib markii uu habeen hore la kulmay Midowga Musharaxiinta, si loo xalliyo tabashooyinka jira,

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegaya inuu xiriiro la sameeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana dad uu la hadlay laga soo xigtay inuu yiri in meel wanaagsan u marayaan dadaalada uu wado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jira sidii saddexda maamul goboleed ay uga dhici laheyd doorashada Aqalka Sare, waxaana la ogeyn saameynta ay keeni karto, haddi doorasho ka dhacdo saddexda dowlad goboleed, iyadoo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Jowhar