War Deg-deg ah: Wasiirkii hore Arrimaha Dibbada Ethiopia Seyoum Mesfin oo la diley

0
58

Wararka ka imanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in howlgalo ay ciidamada Ethiopia ka sameeyeen gobolka Tigrey ay ku dileen Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee jabhadda TPLF.

Dilka Seyoum Mesfin ayaa yimid sida ay dowlada Ethiopia sheegtay kadib markii isaga iyo saraakiil kale ay diideen inay is dhiibaan.

Seyoum Mesfin ayaa ka ahaa dalka Ethiopia Wasiirka Arrimaha Dibadda muddo ku dhow 20 sano. Dhowaan ayay dowlada Ethiopia waxa ay sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtey saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ururka TPLF.

Jowhar