Beesha caalamka oo cadaadis xoog leh saareyso Axmed Madoobe & Deni

0
100

Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdigan ayaa maanta kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kismaayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka.

Caasimada