Waa sidee Xaalada Muqdisho, kaddib dib u dhicii ku yimid banaan bixii Mucaaradka

0
111

Xaalada Muqdisho ayaa saaka ah caadi, iyadoo dib u furmay dhammaan waddooyinka muhiimka ahaa ee magaalada oo shalay ciidamada amniga la soo dhoobay.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa dib u bilowday, waxaana degenaanta ka jirtay magaalada ka dambeysay kaddib markii uu baaqday bannaan bixii ay qorsheeyeen Midowga Musharaxiinta.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey ayaa shalay ka sheegay shir jaraa’id uu qabtay in jidadka Muqdisho ay u xireen sugidda amniga bannaan baxa, balse ay soo dhoweynayaan in Midowga Musharaxiinta go’aansadeen in bannaan baxa ay baajiyeen.

Hase ahaatee Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay jebisay heshiiskii, isla markaana ay ciidamo dhigtay waddooyinka, waxaana ay tilmaameen in bannaan baxa aanay ka tanaasulin oo ay dib ka soo sheegi doonaan, amnigoodana suganayaan.

Dadka Muqdisho ayaa walwal badan ka qaba is jiid jiidka siyaasadeed ee dib u soo cusboonaaday, kaddib todobaad magaalada xaalkeeda caadi ahaa oo Xukuumadda iyo Mucaaradka ay heshiis ka gaareen wada hadaladii Hotel Decale.

VOA