Xildhibaanada Barlamaanka oo kulankoodii maanta furmay

0
114

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goordhow waxa u furmay kulankoodii maanta oo ahaa mid lagu tuhumayay in laga yaabo in muddo kororsi ay ku sameystaan xildhibaanada iyo weliba Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee furitaanka kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka horjeediyay ajnadaha kulanka oo lagu soo koobay labo ajande.

Ajanadaha koowaad ayaa ah mid lagu ansixinayay xubno cusub oo guddiga madax banaan xuduudaha ah iyo cudurka Covid 19.

Guddoomiye Mursal ayaan soo hadal qaadin wax muddo kororsi la xiriira furitaanka fadhiga oo dad badan filayeen in uu ku hoos jiro muddo kororsi.

Baarlamaanka ayaa hadda waxaa ay dhagaysayaan warbixin la xiriirta cudurka Covid 19 oo ay ka hor aqrinayso wasiirka caafimaadka marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaan ka soo qeybgalin maanta 15 xildhibaan oo ganaax la dul dhigey iyadoo laga celiyay inta aysan soo gaarin xarunta baarlamaanka.

Jowhar