Khilaafka Biyo-xireenka Nile: ‘Al-Sisi kama gaban doono in uu tallaabo militari qaado’

0
141

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Siisi ayaa sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay xuquuqdi ay ku lahayd biyaha wabiga Nile.

Haddaba wargeysyada carabta kuwooda ugu afka dheer ayaa siyaabo kala duwan uga qoray faallooyin ku aaddan farriinta digniinga ee al-Sisi iyo sida ay dhab ku noqon karto.

Qorayaasha wargeysyada intooda badan waxay isku waafaqeen in hadalka ugu dambeeyey ee madaxweynaha uu jeediyey in uu yahay kii ugu adkaa oo Al-Sisi uu “arrimaha dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba uu ka jeediyo”.

“Iclaamin dgaal”

Cabdel Bari Atwan, oo ah tifaftiraha guud ee shabakadda “Rai Al-Yowm” oo xaruunteedu tahay London, wuxuu aaminsan yahay hadalka sida lama filaanka ah uga soo yeeray Sisi inuu la mid yahay iclaamin dagaal, ayna noqon karto digniintii ugu dambeysay ee Itoobiya uu u dirayo.

Maamulka Addis Ababa ayaa haatan diyaar u ah iney wareegga labaad ee buuxinta biyo-xireenka ay billaawdo, iyadoo aan weli heshiis aysan kala gaarin dalalka Masar iyo Suudaan.

Atwan wuxuu intaasi ku daray in tani ay tahay “marki ugu horreysay ee madaxweynaha Masar uu hadal sidaa u xoog badan ku hadlo.”

Soo saaraha wargeyska wuxuu sheegay in digniinta Al-Sisi ay timid kaddib markii ergeyga Mareykanka u qaabilsan dalka Suudaan u sheegtay inay Itoobiya billaabeyso wajiga labaad ee buuxinta biyo-xireenka, ayna bilowday in ay jarto dhirta ka baxday dhulka ay biyaha fariisan lahaayeen.

Suudaan dhankeeda waxay billaawday inay faaruqiso keydka Jabal Awliya oo ku yaalla Koonfurta Khartuum.

Wuxuuna intaa raaciyey inay cadahay hadallada madaxweyne Al-Sisi ka soo yeedhay in ay tilmaan u yihiin inuu ka quustay xallinta khilaafka ku gedaaman biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile, iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal ka socda midowga Afrika iyo Mareykanka.

Wuxuu garwaaqsaday in Itoobiya ay wakhti heleyso haddii xaalku uu sidan ku sii socdo, maadaamaa wajiga labaad ee buuxinta biyaha wabiga muddadi ay Itoobiya qabsatay ay ka harsan tahay 2 bilood oo keli ah.

Al-Sisi oo doonaya inuu farriin cad u diro Mareykanka, Yurub iyo wakiiilladooda oo ah in uusan ka waaban doonin in uu adeegsado xal militari, ka dib markii lagu qanciyey xaaladda Liibiya oo uu gaadhay Heshiisyadii ‘dib-uheshiisiinta’ ee lala galay Turkiga. Dowladda iyo shacabka Suuddan ayaa si buuxda u taageersan mowqifka Masar.

Sidoo kale, Akram Al-Qassas wuxuu rumaysan yahay in khudbadda madaxweyne Sisi ee “adduunka iyo Masaarida hortoodaba uu ka jeediyey uu yahay kii ugu xoogga badnaaa, bilihii la soo dhaafay.”Wuxuu shegayaa in ereyada uu Sisi adeegsaday ay ahayeen “kuwa kooban oo diirada lagu saaray, fariimaha loo gudbinayey gudaha iyo dibadda, taas oo xambaarsan nabad iyo isfahan in khilaafka lagu dhammeeyo, isaga oo aan indhaha ka qabsanin xuquuqda Masar ay ku leedahay wabiga iyo dhulkiisa.”Wuxuu sheegay in “hadalka madaxweynaha uu ahaa mid cad oo go’aan ah. Masar oo ah waddan samir badan oo nabadda jecel, haddana waxay leedahay awood ay ku meel mariso mowqifkeeda nabadda iyo wadaxaajoodka, haddana waxay diyaar u tahay xaalad kasta inay sideeda u wajahdo.”

“Ma oggoli inay Masar gaajooto”

Maxamed Amiin oo ka tirsan wargeyska Al-Masry Al-Yowm wuxuu sheegay in Itoobiya “ay qorsheyneyso soo saarista koronto ku filan, waxayna dhiseysa xarun korontada laga dhaliyo oo ka fiican kana amaan badan biyo xireennadii horay ay u dhistay. Iyada oo koronta raadineyso haddii ay rabto iney Masar hog ku riddo oo ay dhag u dhigin waa nasiib darro”.

Wuxuuna intaasi ku daray: “Xilliyada soo socda waa in gacan laga geystaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ku gedaaman biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso.”

“Xilliganna waxaa dowladda Masar la gudboonaatay in ay wajahdo khatar, nabad iyo dagaal wada socdo. Masar ayaa dunida garab uga raadsanaysa, si ay khatarta biyo xireenkaas uga imaan karta ay uga hortagaan ama ay ka heleyso dammaanad buuxda inay u hesho qulqulka biyaha in uusan marnaba ka hor istaageynin oo biyaha ay wabiga ka helaan ay sidooda ahaadaan.”

“Waxaan nahay carruurti Faraaciinta webiga Niilna waa hadiyad Masar la siiyey. Masaariduna marnaba kama seexanayaan inay xoreeyaan danta ay ka leeyihiin wabiga Nile, taas oo ah dardaaran ay Masaarida awoowyadood ka dhaxleen.”

Wuxuu yiri: ‘Anagu waxaan nahay dad xadaarad iyo taariikh qadiim ah leh. Haddii heerka qulqulka biyaha webiga uu hoos u dhac ku yimaaddana, waa iney ciidanka Faraaciinta oo dhan ay dhaqaaqaan.”

“Ma soo noqonayaan ilaa wabiga Nile laga xoreynayo ‘hadalkanna waxaa lagu xardhay darbiyada wabiga Nile’ waana farriin ku socota shacabka Masar oo dhan oo ay nooga tageen aabbayaasheen oo ka dhigay mid barakeysan.

“Webiga Nile wuu sii socon doonaa inta uu Alle dunida ka baabi’inayo. Haddii aan ka daalno in aan xal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, waxaan diyaar u nahay in aan dhiig u daadinno.”Qoraaga Jariidadda Masar ee Al-Dustour, Majed Habbah wuxuu yidhi, “Goobtii ugu dambaysay ee dhibaatada markabkii xumaa ee Panama, ee xannibay dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka, waxaa wehliyay laba arrimood oo dhibaato ku ah dalka Masar kuwaas oo kala ah biyo xireenka Itoobiya kaas oo khatar gelinaya noolasha malaayiin qof oo Masaari ah iyo Suudaan. Waxaan rajeynayaa in si wanaagsan uu ku dhammaado.

“Midda kale oo aan sidaa u weyneen na waa maqnaashaha heshiis qasab ah, hanjabaadana wax saameyn ah oo xun ma keeni doonto.”

“Waan ognahay in arrinta biyo xireenka ay noqotay xudunta siyaasadeed ee isbahaysiga talada dalka Itoobiya haya, si ay u sii dheereystaan ​​xukunka, ka dib markay awoodi kari waayeen in ay fuliyaan balanqaadyadooda iyo inay ku fashilmeen xal u helidda dhibaatooyinka gudaha iyo dibadda.”

Wuxuuna intaas raaciyay: “Waxaa kale oo aan ognahay in quwado badan oo caalami ah, haddii ay doonaan, in shacabka Itoobiya ay ka iyo gobolka oo dhan ka badbaadin lahaayeen saameynta ay arrintan ku yeelan doonto.”

Dagaal dhab ah ma dhici doonaa?

Dr. Adam wuxuu sheegay in ay ka walwalsan yihiin in dagaal uu ka qarxo adeegsiga biyaha webiga Nile.

Xitaa haddii uusan jirin rabitaan ah in dagaal la galo, waxaa jiri karo xisaab-xumo, waxaad isweydiineysaa waxa qolada kale sameyn karto, haddii aanan la hayn macluumaad dhameystiran.

Waxaa la qaadi karaa tallaabo qaldan, marka sidaa darteed waxyaabaha aan ka cabsi qabo ayaa ah in tallaabooyinkaas khaldan ay xaaladda faraha ka sii bixiso.

Adam wuxuu intaas ku daray in labada dal [Itoobiya iyo Suudaan] aysan haatan dagaal doonayaan, sababtoo ah waxaa jiro dhibaatooyin gudaha dalalkooda ka dhex taagan.

“Waxaan u maleynayaa in qaladaad la sameyn karo xitaa haddii aysan dan ka laheyn dagaal,” ayuu yiri.

Cabduraxman ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in dagaal toos ah bilaaban karin.

“Haddii aad is tiraahdo qiyaas, waxaa laga yaabaa in aan dhahdo in boqolkiiba 50 ama ka yar. Uma maleynayo in ay jirto rabitaan ah in dagaal la galo xilligan, laakiin in hal wadan cadaadis la saaro waa suuragal.”

Dagaal noocee ah ayuu noqon karaa?

Wuxuu sheegay in haddii Suudaan iyo Itoobiya uu dagaal culus ku dhexmaro xadka, in Masar waxay si toos ah u taageeri karto Suudaan.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu intaas ku daray, “Ma aaminsani in Suudaan ay awood u leedahay dagaal, xitaa marka ay xasilloon tahay, ama sida ay hadda tahay.”

“Marka Suudaan wax faa’iido ah kamaheleyso dagaalka. Laakiin haddii dagaalka uu dhici waayo, Suudaan iyo Masar wey wada joogi doonaan. Dowlada Ereteriya waxay hadda xiriir la leedahay dowlada Itoobiya. Heshiiska labada dal wuxuu gaari doonaa heer illaa iskaashi dhanka amaanka ah.”

Aadam, dhankiisa; Wuxuu sheegayaa in ay adag tahay in la qiyaaso waxa dhici doona “dagaalka ka dib”.

“Haddii Masaarida ay rumeysan yihiin in dagaalka uu lagama maarmaan yahay, dalkooda ayay gantaallada ka soo ridi karaan. Waxay sidoo kale Suudaan ka caawin karaan xoog iyo hub markii loo baahdo. Haddii ay aaminaan in ay lagama maarmaan tahay, waxay garaaci karaan biyo xireenka.”

Laakiin Adam wuxuu rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay la safan karto Itoobiya.

“Maaddaama ujeeddada ugu weyn ee dawladda Ereteriya ay tahay in la burburiyo kooxda TPLF, dawladda Itoobiya ma rabto in dareenkeedu u ekaado Suudaan ama dal kale. Ereteriya waxay dooneysaa in ay nabad la gasho Suudaan sida ugu macquulsan.”

BBC