Jubbaland oo Digniin adag u dirtay Odayaasha kunool deegaanada maamulka ka taliyo

0
233

Shir deg deg ah oo ay xalay isugu yimaadeen golaha amniga maamulka Jubbaland uuna shir gudoominayay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe ayaa looga hadlay xaqiijinta amaanka Jubbaland iyo goobaha Doorashada ka dhaceyso.

Shirka ee yeesheen golaha amniga Jubbaland ayaa laga soo saaray go’aano adag oo la xariira amniga iyo la dagaalanka argagaxisada , waxaa sidoo kale digniin loo diray Odayaasha dhaqanka ee la macaamiila kooxda Al Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaana uga digay odayaasha dhaqanka ee kunool deegaanada maamulka Jubbaland in ay la macaamiil kooxda Al Shabaab, waxaana la faray ciidamada Nabad sugida JUbbaland in talaano adag ka qaadaan cidii la macaamiisha Al Shabaab.

Allbanadir