Madax ka tirsan Hirshabeelle oo oo la kulmay qeybaha bulshada ee Moqokori

0
61

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaano kamid ah Hirshabelle, Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax wasiir hore iyo saraakiil ciidan oo ku sugan degmada Moqokori ayaa kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada Deegaanka Moqokori.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa  ayaa safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay degmada Buulo-burde.

Odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Degmada Moqokori kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminay guddoomiye Jeyte.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa booqday fariisimaha ciidanka DF iyo  kuwa Dib-u-xoreynta ku leeyihiin degaanka Moqokori.

Degaanka Moqokori waxaa ay kamid tahay degaanadii ugu dambeey ee bariga gobolka Hiiraan laga saaray Argagaxisada.