Maxay tahay dhibaatada ku saabsan doollarka ee caalamka ka taagan balse aan Soomaaliya ka jirin?

0
67

Doollarka Mareykanka ayaa yeeshay awooddiisii ugu weyneyd muddo labaatan sano ah gudaheed, marka lala barbar-dhigo lacagaha kale ee waaweyn.

Taasi micnaheedu waa in hadda uu doollarku qaali yahay marka la iibsanayo, arrintanina waxa ay saameyneysaa ganacsiyada iyo qoysaska caalamka oo dhan.

Xaggee ayay gaartay awoodda doollarka?

Qiimaha doollarka oo si joogto ah tartan kula jira ilaa lix lacag oo kale, oo ay ku jiraan euro-ga Midowga Yurub, giniga Istarliinka iyo yen-ka Japan, ayaa sanadkan 2022 sare-u-kacay 15%.

Lacagaha kale ee horay uga sarreeyay, sida giniga ayaa hoos u soo dhacay, halka uu doollarku kor u sii fananayo qiimaha sarrifka.

Sidaas awgeed, waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo doollarka uu gaaro heerkaas sarreeya.

Doollarka iyo Soomaaliya

Isbeddelka doollarka lagama dareemin Soomaaliya, maaddaama lacagta ugu weyn ee uu waddanku ku tiirsan yahay ama isticmaalo ay tahay doollarka (oo telefoonnada la isugu diro), sida ay soo tebiyeen weriyeyaasha ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale sarrifka doollarka iyo shilin Soomaaliga ayaa meeshiisii hore taagan. Halka doollar wuxuu sarrif ahaan u dhigmaa 24,000 oo shilin Soomaali ah. Qiimahaas waxba iskama beddelin dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Lacagta keliya ee Soomaaliya laga istimcaalo waa kunka shilin. Waa lacag duugowday oo dhowaanahan aan si sharci ah loo cusbooneysiin.

Waxaa lagu soo warramay in meelo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ah aan gebi ahaanba laga isticmaalin shilin Soomaaliga.

Doollarka Soomaaliya lagu isticmaalo wuxuu u badan yahay lacagta ay dadka dibadda jira u soo diraan eheladooda.

Saameynta sare-u-kaca maciishadda ayaa jirtay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dagaalka Ukraine oo waxyeello u geystay hab-sami-u-socodka sicirka caalamka.

Xawaaladaha lacagaha lagu diro ayaa kaalin aad u weyn ku leh dhaqaalaha soo galaya Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeysay ee uu arrintan kasoo saaray Bankiga Adduunka, oo soo baxday 2017-kii ayaa lagu sheegay in lacagaha lagu soo diro xawaaladaha ay yihiin 20% ka mid ah dhaqaalaha guud ee sanad kasta u soo xarooda Soomaaliya.

Warbixinta ayaa xilligaas qiyaastay in Soomaalida qurbajoogta ah ay dalka u soo diraan lacag dhan celcelis ahaan 1.3 bilyan oo doollar sanadkiiba.

Sidoo kalena xawaaladuhu waxa ay gacan weyn ka geystaan in keydka doollarka Soomaaliya uusan hoos u dhicin.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa dhanka kale lagu xusay in lacagaha dibadda laga soo diro ay ka xasilan yihiin dhaqaalaha kale ee ku yimaada maalgelinta dibadda.

Sare-u-kaca doollarka sicir-barar maku sababayaa Soomaaliya?

Meelo badan oo dalalka caalamka ah ayuu saameeyay sare-u-kaca doollarka oo hoos u riday lacagihii kale ee waddamadaas laga isticmaalayay.

Dalalkaas, oo ay ku jiraan Kenya iyo Turkiga, waxaa isugu darsamay qiime-dhaca lacagta iyo sicir-bararka adeegyada kale, oo ay ku jiraan raashinka iyo shidaalka.

Haddaba maxaa sabab u ah in Soomaaliya uusan dhibkaas ka jirin?

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Cilmi-baare sare oo la shaqeeya Jaamacadda SIMAD, ayaa BBC-da u sheegay in saameynta isbeddelka doollarka aysan si toos ah u taabaneyn Soomaaliya.

“Maaddaama doollarka uu yahay lacagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya laga isticmaalo, keydkana ay taallo, dhammaan bankiyadeenna ama akoonnada noo furan ay doollar yihiin, annagu ma qabayno welwelka ay qabaan dadyowga kale ee adduunka.

“Balse, haddii uu imaado isbaddal dhanka badeecooyinka ah, sida hadda [tan uu sababay] dhacday dagaalka Ukraine oo ah inay qaaliyoobeen qamadiga, galleyda iyo saliidda, kuwaas dadka ayaan ula mid nahay, wax annaga goonni noo ah ma aha,” ayuu yiri.

Hase yeeshee sare-u-kaca doollarka waxa uu dhanka kale si xoog leh u saameynayaa Soomaalida qurbaha jirta ee lacagaha soo dira.

“Dadka Soomaaliyeed ee [dibadda deggan] ee lacagta noo soo diraya, kuwaasoo lacagaha ay mushaaraadkooda ku helaan aysan ahayn doollar, oo ay yihiin pound, ama euro ama wax kale, si ay lacagtaas u soo diraan way saameyneysaa, [saa’id] ayayna u saameyneysaa.

“Tusaale ahaan, qoflka UK jooga, oo raba inuu $500 soo diro, sanadkii hore wuxuu soo diri jiray £333 (pound), [taasoo marka uu bankiga geeyo u noqoneysay 500 oo doollar. Laakiin hadda waa inuu bankiga geeyo £463 si uu u soo diro $500. Taas waxay ka dhigan tahay inuu bixiyo lacag ka badan ku dhawaad 40% tii uu horay u bixin jiray.”

‘Saameynta oo weji kale leh ayaa ku noqon karta Soomaaliya’

Dr. Maxamed wuxuu xusay in arrintan ay saameynteeda oo weji kale leh dib ugu laaban karto Soomaalida joogta dalkii hooyo, gaar ahaan marka lacagta laga soo dirayo dalalka aan doollarka laga isticmaalin, sida UK.

“Haddii qofkii soo dirayay uu awoodi waayo inuu ku daro lacagta uu doollarka ku beddelayo, waxay noqoneysaa in uu ka jaro lacagtii uu diri jiray, oo uu dhaho ‘waxaan idiin soo dirayaa waxa ay u dhiganto lacagtii hore’, waxayna noqoneysaa inuu u sarrifo £333-dii,” ayuu yiri.

“Lacagtaas isdhintay waxay ka go’an tahay [qoyskii loo dirayay], dabcan dakhligii guud ee dalka u soo xaroonayayna way ka maqnaaneysaa, taasna saameyn ayay keeneysaa,” ayuu sii raaciyay.

Lacagta giniga ah oo loo yaqaanno “Pound” oo laga isticmaalo UK ayaa hoos u dhicii ugu weynaa la kulantay dhawaan, kaddib markii ay dowladda Ingiriiska shaacisay in ay sameyn doonto canshuur-dhimis aad u weyn.

Doollarka ayaa lagu qiimeeyaa inta badan badeecooyinka caalamka, sida shidaalka, sidaas awgeedna sare-u-kaca lacagta Mareykanka ayaa cirka ku shareertay qiimaha shidaalka ee dalal badan.

Tusaale ahaan, Kenya, oo lacagteeda shilinka ah uu aad uga xoog batay doollarka, ayuu qiimaha shidaalka ku kordhay 40% tan iyo billowgii sanadkan 2022.

BBC Somali