Qarax is-miidaamin ah oo lagu dilay 19 arday oo ka dhacay Kabul

0
62

Weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal caasimadda Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay 19 arday xilli ay isku diyaarinayeen imtixaan subaxnimadii Jimcaha, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Dasht-e-Barchi ee galbeedka magaalada Kabul, halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah oo ay degan yihiin bulshada laga tirada badan yahay ee Hazara, halkaasoo ay ka dhaceen weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee Afghanistan.

“Ardaydu waxay isku diyaarinayeen imtixaan markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xaruntan waxbarasho, nasiib darro 19 qof ayaa ku shahiiday 27 kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Khalid Zadran.

Muuqaalo la soo galiyay online-ka iyo sawiro ay daabacday warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad dhiig ka daadanayo oo goobta laga soo qaadayo.

“Kooxaha ammaanka ayaa gaaray goobta, qaabka uu ka dhacay dhacay weerarka. Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay dib ayaan kasoo sheegi doonaa,” ayuu afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, Abdul Nafy Takor uu goor sii horreysay ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Weerarrada lagu bartilmaameedsado rayidka waxay caddaynaysaa naxariis-darrada bini’aadantinimada ka baxsan ee cadowga iyo la’aanta heerarka anshaxa.” ayuu raaciyay.

Dib ugu soo laabashada Taalibaan ee Afghanistaan ee sanadkii hore waxay soo afjartay dagaaladii labaatanka sano socday, waxaana si weyn hoos ugu dhacay rabshadihii, laakiin ammaanka ayaa bilaabay inuu sii xumaado bilihii la soo dhaafay.

AFP.

BBC