Ciidamadii ugu badnaa oo lagu diyaarinayo KISMAAYO

0
70

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay waddo dowlad goboleedka jubbaland, kaas oo ku wajahan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkii ugu dambeeyey uu haatan ka socdaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa haatan lagu diyaarinayaa Kismaayo, kuwaas oo ka qayb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamadan ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada loo diyaarinayo howlgallada ka bilaabanaya deegaanadq maamulkq Jubbalad.

General ismaaciil Saxardiid Keysane oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay goobta ayaa farriin u diray dhammaan. ciidamada, wuxuuna ugu baaqat inay u duyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saxardiid ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhowaan ay qaadi doonaan weeraro culus oo ay ku aadayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

“Dhufeyska aad ku jirteen mudada sideeda sanada ah kuma sii jiri doontaan waynu ka baxeynaa, goobaha ay joogaan iyo meelaha ay naga soo aadayeeb baan aadeynaa” ayuu yiri General Ismaaciil saxardiid Keysane.

Abaabulka ciidan ee Kismaayo ka socdo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan waddo Jubbaland ayaa kusoo aadays, ayada oo kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo guulo waa weyn laga gaaray, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada