Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
69

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dalkaas dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape Town.

Ganacsatada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana dilalkooda geystay burcad hubeysan oo ku weeraray goobahooda ganacsi oo an sida u kala fogeen oo ay ku lahayeen geegaanka Guguletu ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Burcada geysatay dilka labadaan muwaadin ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen labada Marxuum, waxaana halkaasi meydadkooda ka qaaday muwadinin kale oo Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka lagu dilay laba Marxuum.

Shabelle