|
Dibadbax lagu taageerayo tallaabadii ay dowladdu ku qaadday jidgooyooyinka oo ka socda Muqdisho
Radio Muqdisho
December 3, 2012 Markacadeey
|
Banaanbax Lagu taageerayo talaabooyinkii ay Ciidammada Qalabka Sida ee
Soomaaliya ku qaadeen Isbaarooyinka ayaa ka soconaya saakay Magaalada Muqdisho,
ayadoo banaanbaxaasina ay ka qeybgalayaan dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee
gobolka Banaadir.
Afhayeenka maamulka G/Banaadir mudane Mxamed Yuusuf ayaa Radio Muqdisho u
sheegay in dabadbaxaasi oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka uu ka soconayo
magaalada, iyadoo dibadbaxayaashu ay isugu soo uruuridoonaan garoonka Baasketka
Luujino ee Degmada C/casiis.
Mudane Maxamed Yuusuf Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray
in dadweynaha dibadbaxaya ay la hadli doonaan madaxda sare ee dalka iyo
mas’uuliyiinta maamulka gobolka, waxaana la xaqiijiyay ayuu yiri ammaanka
magaalada oo waxaa la xiray waddooyinka qaar.
Dibadbaxan ayaa lagu taageeraya go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku
manciyay jidgooyooyinka lagu qaado lacagaha sharcidarrada, iyadoo ciidamada
qalabka sida iyo mamullada gobollada iyo degmooyinkana ay dhaqan geliyeen amarka
madaxweynaha oo ay qaadeen dhamaan jidgooyooyinkaasi.
HOME
|
|
|
|