|
Kulan looga hadlayay maamul u sameynta Kismaayo oo lagu soo gabagebeeyay Muqdisho
Radio Muqdisho
December 4, 2012 Markacadeey
Kulan looga hadlayay horumarinta amniga iyo maamul u sameynta gobollada
Jubbooyinka oo muddo 3 maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa la soo gebagebeeyay.
Kulanka oo ay ka qebgaleen in ka badan 200 qofood oo ka soo jeeda gobollada
Jubbooyinka ayna ka mid ahaayeen xildhibaano iyo siyasiyiin ayaa looga hadlay
maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo sidi loo xasilin lahaa mniga ayaa
markii la soo gebagebeeyay laga saaray War-murtiyeed kaas oo lagu taageeray
siyaasadda dowladda ee ku wajahan nidaamka Federaalka.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalkii dowladda ee
ahaa in dhismaha maamulka laga soo dhiso degmooyinka si looga soo bilaabo gunta
hoose, laakiin aysan marnaba dhicin in qolo gaar ah ay wax iskood ah sameystaan.
Waxyaabihii kulankaasi ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in loo midoobo sidii
loo nabadeyn lahaa gobolladaasi, looguna sameyn lahaa maamul xalaal ah oo laga
soo bilaabo gunta hoose si aysan u dhicin isqabqabsi lagana shaqeeyno
horumarinta gobolladaasi.
HOME
|
|
|
|