|
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay dalka Turkiga
Radio Muqdisho
December 4, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo
ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku
wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada
iyo Qorsheynta, wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ka sogootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi
Faarax Shirdoon “Saacid” afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka
tirsan dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo saxaafadda
kula hadashay Garoonka ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heleen dowladda Turkiga
ayna kulamo la qaadan doonaan madaxdaasi.
HOME
|
|
|
|