|
Madaafiic Xalay lagu garaacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir
Radio Muqdisho
December 5, 2012 Markacadeey
|
Sadex qof oo danyar ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay Madaafiic xalay ku
soo dhacday Degmooyinka B/dheere iyo Wardhiigleey
Dadka danyarta ah ee ku nol degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheer ayaa sheegay
in xalay oo dhan iyo ay ku jireen walwal iyo cabsi, kadib markii madaafiic dad
ay ku dhaawacmeen xalay Saqdii dhexe ay ku soo dhaceen degmooyinkaasi.
Ku dhawaad Shan madfac ayaa saqdii dhexe ee xalay ku soo dhacday xaafado ka mid
ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheere, iyadoo mid ka mid ah oo ku dhacay
xero barakac ay ku dhaawacmeen Sadex qofood.
"waxaan saaka soo maray meelihii ay madaafiicdu ku dhaceen saqdii dhexe ee xalay,
waxaana arkay dhaawaca sadex qofood oo kaliya, mana jirin qasaare intaa ka badan"
ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo ka mid ah wariyayaasha Radio Muqdisho oo saaka
booqday meelihii ay ku dhaceen Madaafiicdaasi.
Ila hadda lama garanayo halka laga soo tuuray Madaafiicdaasi, saraakiisha
ciidamada dowladduna faahfaahin kama aysan bixin.
HOME
|
|
|
|