|
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya
December 6, 2012 Markacadeey
|
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey
maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda
isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday
in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra'iisul
Wasaaraha weydiinayey su'aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda
dalka.
Su'aalaha ugu badan oo Ra'iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa:
Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin
lahaa maamulka Dawladda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu
ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga
saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:
“Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa
dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo
baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado
colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay
gaystaan faldanbiyeed. Ra'iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in
Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay
shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada
ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro
meeshuu u scoday”.
Ugu danbayntii Ra'iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha
iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha
Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku
simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku
tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka
qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna
Ra'iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay
Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu kulamo
la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida
wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.





HOME
|
|
|
|