basmala.gif (2001 bytes)

inaa_lilaahi.jpg (6889 bytes)
kullu_nafsin.jpg (6145 bytes)
Anigoo ah Abucar Sayidi Abubakr Sheikh Xaaji Ali iyo caruurtiisa oo kala jooga dalalka Australia, America, Canada, Sacuudiga iyo Yemen, waxaan u tacsiyeeynaa eheladii ka geeriyooti marxuuma-da:

Aay Maanadii Xaaji Abo-Malab

gaar ahaan Abayta Abo-Maleb, Bibi Abo-Malab iyo Sayid Abo-Ma-lab Sheikh Xaaji Ali, waxaan marxuumada Eebe uga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadii Firdows- Aamiin!!,

TACSI KU SOCOTA GUDDOOMIYAHA GOLAHA DHEXE EE ISBAHEYSIGA DIB U XORAYNTA SOMALIYA.

Asharaafta Banaadir, oo kala jooga Muqdisho, Marka iyo Baraawa waxaan TACSI murugo leh u direynaa Walaalkeena. Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo Hooyadiis Xaawa Maxamed Cusmaan oo reer berdaale ahayd ku geeriyotay nairobi (kenya) waxaan ALLAAH ka baryeeynaa inuu janatul fardowsana ka waraabiyo bareyeynaa iyo eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyootayna samir iyo imaan illaah ka siiyo

"INNA LILLAHI WAA INNA ILAHI RAAJACUN".

Qamar Sharif Hashim ( Xubin Golaha dhexe)

Anigoo oo ah Cabulcasiis Xaaji Moxamed Nuur,kuna hadlaayo magaceyga,kan caruurteeda iyo walalehhe, waxaan tacsi murug leh aan u dirayaa Dr. Mufti iyo caruurtiis, Dr. Cali Faqy iyo caruurtiis, Ing. Mohamed Faqy iyo caruurtiis, Abukar Faqy iyio caruurtiis gerida naxdinta leh ee ku timid al Marxuumad:    MAANA AXMED BANA FAQIYOO oo ku geeryootay magaalada Londdon, markii taarikhdu ay ahayd 5ta Oktoobar 2007. Waxaan marxuumada ugu baryeenna Jannatul firdoosa inti ay ka tagteenna samir iyo imaan. Aamin Aamin
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED(ASHRAF)
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH:
1- SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
2- ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
3- SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
4- NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
5- CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR

WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN

WAALIDIINTEEDA WALAALAHEEDA IYO NINKEEDA IYO

CARUURTEEDA OO DHAN MEELKASTOO AY JOOGAAN DALKA

GUDIHIISA IYO DIBADIISA GAAR AHAAN.

SOMAALIYA - LONDON - MAREYKANKA - SWIDZERLAND - YAMAN -

ITALIYA - JARMANKA - SACUDIGA - HOLANDA -

MARXUUMAD = MAANA AXMED FAQAY ( AY MAANA )

WAXAYNA KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA EE MAGAALADA LONDON

EE HABEENIMADII JIMACAHA SAACADU MARKEEY AHEEYD - 23,00 . PM

TAARIIKHDUNA AHEYD 05/10/2007

ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMADA NAXRIISTA JANO HASIIYO

WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO
JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
ANAGOO KALA AH REER CUMAR SHAXSHAXLOW IYO REER SHEEKH ABUBAKAR SHEEKH MAXAMED IYO REER XAAJI ABUKAR CALI CAAMIR WAXAAN TACSI U DIREYNAA REER faqi aba xaaji GAAR AHAAN reer axmed faqayow IYO walala heeda IYO DHAMAAN INTA Ay KA GEERIYOWDAY ALLAH HA U NAXRIISTO MARXUUN aamaana axmed faqayow OO KU GEERIYOWDAY DALKA ingariska magalada london MANTA OO AY BISHA TAHAY 5.10.07 INTA ay KA TAGAYNA SAMIR IYO IMAAN ALLAH HA KA SIYO AANIIN AAMIIN ANAGANAH BACDIGeeda ILLHEEY MA NA FIDNEEYO AMIIN AAMIN YAARABI



Anigoo ah Qamar Shariif Haashim Waxaan Tacsi u dirayaa eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyootey:

Marxuumad Xaawa Maxamed Cusmaan

Marxuumada waxey ku geeriyoodey magaalada Nairobi, waxey eheed reer Berdaale, Waxaana tacsidan si gaar ah looga diraayaa wiilkeeda oo la yiraahdo Shariif Xasan oo ku nool magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Anigoo ah Cusmaan Maxamed Cabdulqadir& familkeyga, walidiinteyda & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan familka Xaaji Suufi Maxamed Sadiiq, geeridii naxdinta leheed ee ku timid 

AL Marxuum MAXAMED SUUFI MAXAMED SADIIQ

oo maalin isniin 24.09.2007 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, ehelkii uu ka dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun.

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOWTI

ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA REER AMIIN MAXAMED XEYDAR OO KALA AH
1- HOOYO CAMBAR AXMED CUMAR
2- AFYAR AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA AXMED SHOBLE IYO CARUURTOODA
3- MAXMED AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
4- CADO AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA IYO CARUURTEDA
5- SAKIINA AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
6- XEYDAR AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA
7- ABUKAR AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
8- CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF ) IYO XAASTEYDA
9- SAHRA MAXAMED XAAJI
10- NAJMA CABDULQAADIR AMIIN IYO NINKEEDA
11- ASMAHAAN CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED
12- SAKIINA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED
IYO DHAMAAN REER MAXAMED XEYDAR OO DHAN
WAXAAN TACSI OO TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN
CARUURTIISA IYO XAASKIISA IYO DHAMAAN REER
XAAJI SUUFI MAXAMED SADIIQ OO DHAN MEEL KASTOO AYJOOGAAN
DALKA GUDIHIISA IYO DIBADIISABA GAAR AHAAN
SOMALIYA .LANDAN . MAREYKANKA . JARMALKA . ITALIA . ISSWISKA . I.W.M.
ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMAKA NAXRIISTA JANO HASIIYO

MARXUUM : MAXAMED SUUFI MAXAMED SADIIQ

OO KU GEERIYOODAY MAANTA OO ISNIINTA AH DALKA INGIRIISKA
TAARIIKHDU MARKEY AHEEYD 24/09/2007
WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO
JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN


Anigoo ah Cabbaas Axmed Macow 'Abagasi' & familkeyga, hooyadeey & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan familka Xaaji Suufi Maxamed Sadiiq, geeridii naxdinta leheed ee ku timid

Marxuum MAXAMED SUUFI MAXAMED SADIIQ

oo maalin isniin 24.09.2007 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, ehelkii uu ka dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun.

ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA FAMILKA
MUUMIN AXMED IKAR IYO AMINA MAXAMED AXMED ( MINA MAAMA
IYO CARUURTOODA OO DHAN WAXAAY TACSI OO TIIRAANYO LEH
U DIREYNAA DHAMAAN REER XAAJI SUUFI IYO XAASKIISA
MAAMA BEELI IYO CARUURTIISA BAASI IYO ABUUKAR MAXAMED S.
IYO FEYRUUS MAXAMED SUUFI
DHAMAAN MEELKASTOO AY JOOGAAN DALKA GUDAHIISA IYO
DIBADIISABA GAAR AHAAN . LANDAN . SACUDIGA . SOMALIYA .
MARYKANKA . ISSWISKA . JARMALKA . ITALIA . I.W.M.
ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMAKA NAXRIISTA JANO HASIIYO

MARXUUM : MAXAMED SUUFI MAXAMED SADIIQ

OO KU GEERIYOODAY MAANTA OO ISNIINTA AH DALKA INGIRIISKA
TAARIIKHDU MARKEY AHEEYD 24/09/2007
WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO
JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOWTI
ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA REER AMIIN MAXAMED XEYDAR OO KALA AH

1- HOOYO CAMBAR AXMED CUMAR
2- AFYAR AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA AXMED SHOBLE IYO CARUURTOODA
3- MAXMED AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
4- CADO AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA IYO CARUURTEDA
5- SAKIINA AMIIN MAXAMED IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
6- XEYDAR AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA
7- ABUKAR AMIIN MAXAMED IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
8- CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF ) IYO XAASTEYDA
9- SAHRA MAXAMED XAAJI
10- NAJMA CABDULQAADIR AMIIN IYO NINKEEDA
11- ASMAHAAN CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED
12- SAKIINA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED


IYO DHAMAAN REER MAXAMED XEYDAR OO DHAN
WAXAAN TACSI OO TIIRAANYO U DIREYNAA DHAMAAN
CARUURTEEDA OO DHAN GAAR AHAAN
MAXAMED ABUUKAR MAXAMED ( BAABA NUUR )
XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO DHAN
KHEYRTA ABUUKAR MAXAMED ( KHERTEEY )
NINKEEDA IYO CARUURTEEDI OO DHAN
IYO DHAMAAN WAXAY DHASHAY IYO WAXAAY SII DHALEEN
OO MEELKASTO AY JOOGAAN DALKA GUDAHIISA IYO DIBADIISABA
GAAR AHAAN DALKA SACUDIGA - MAREYKANKA- SOMALIYA - LONDON - ITALIYA
ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMADA NAXRIISTA JANO HASIIYO

MARXUUMAD XAAJIYA AMINA CUMAR MAXAMED
(AY AMOW)


OO AY KU GEERIYOOTAY XALAY DALKA SACUUDIGA
TAARIIKHDU MARKEY AHEEYD 29 / 08 / 2007
WAXAY DHALATAY = 1917 WAXAYNA GEERIYOOTAY 29 / 08 / 2007
WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO
JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN

ANAGOO KALA AH :

-Cumar Macow Xaaji iyo Xaaskiisa
-Iisha Macow Xaaji iyo Abii Cabdalla iyo caruurtooda
-Fankey Macow iyo Caruurteeda
-Cusmaan Macow Xaaji, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Nuurto Macow iyo Muriidi Khazaali iyo caruurtooda
-Ceydaruus Macow Xaaji, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Sahra Macow Xaaji iyo caruurteeda
-Cali Macow Xaaji Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Salim Macow Xaaji Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Xuseen Macow Xaaji Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Caasha Macow Xaaji iyo Maca Xaaji Axmed iyo caruurtooda
-Maxamed Axmed Macow Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Cabdirasaaq Cusmaan Macow xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Liibaan Cusmaan Macow Xaaskiisa iyo caruurtiisato
Iyo dhammaan duriyada reer Macow Xaaji

Waxaan tacsi u kala direynaa walaalaheen oo kala ah Khyrta Nuur Shiikh, Ooto Nuur Shiikh iyo Kuuso Nuur Shiikh, geeridii naxdinta leheed ee ku timid walaalkood:

Marxuum Injineer Abuukar Nuur Shiikh

oo habeenkii xaley 17/08/2007 ku geeriyoodey magaalada Chicago ee wadanka Mareekanka.
Waxaan Ilaah ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul firdowsa iyo inuu u dambi dhaafo. Eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Allah ka siiyo.

Aamiin...Aamiin...Aamiin


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

ANNAGOO KALA AH WAALID ,WALAAL IYO ASXAAB OO KALA AH :

-CAB/QAADIR BOOLAAY, XAASKIISA IYO CARUURTISA.
-CUMAR MACOW XAAJI IYO XAASKIISA.
-CAYDARUUS MACOW, XAASKIISA IYO CARUURTIISA.
-SAYD YAACALI,XAASKIISA IYO CARUURTIISA.
-SHARIIF CALWI IYO XAASKIISA.
-MAXAMAD CUMAR ALAALE IYO XAASKIISA.
-IIKAR SHEKH CADDE IYO XAASKIISA.
-MAXAMAD CALI FARAS IYO XAASKIISA.
-AXMAD XAMDUUNI, XAASLIISA IYO CARUURTIISA.
-DAAHIR CALI BOOLAAY, XAASKIISA IYO CARUUTSA
-SHARIIF AXMAD ZEYN IYO XAASKIISA.
-ISMAACIIL MAXAMAD.XAASKIISA IYO CARUURTIISA
-MAXAMAD CAYDARUUS MACOW, XAASKIISA IYO CAR

DADKAN OO DHAN OO MAGACYADOODA KOR KU XUSAN WAXAY TACSI TIIRAAN LEH U DIRAAYAAN WALAALKOOD IYO WALAASHOOD:

AABE CAB/QAADIR MAXAMAD CALI(KAADER) HOOYO ZAHRA CABDULLE SIYAAD OO WIILKOODA.

MARXUUM XASAN CABDULQAADIR

OO KU GEERIYOODAY DALKA LIIBIYA KULLIGEYNA WAXAAN ILAAHEEY UGU BARYEYNAA
IN WAALIDIINTIISA IYO WALAALIHIISA OO DHAN IN SAMIR IYO IMAAN ILAAHEEY KA SIIYO.
MARXUMKAANA IN ILAAHEEY JANNATUL FIRDOWSA KA WARAABIYO.

Anagoo kala ah dadka hoos ku saxiixin kuna kale nool Waqooyiga Ameeriko(North America), Eroupe, Asia, Austaria iyo Afrika waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa Ilmo Maalim Afrax Rooble, gaar ahaan Maryan Maalim Afrax Rooble oo Hooyaddeed marxuumad Xaajiyo Axado Aw Hilowle ku geeriyootay xaafadda Jungal agagaarka Hotel Ramadaan, muqdishu, Somaliya taariikhdu markay aheyd August 7, 2007. 07:45 a.m. waqtiga Muqdishu.

Marxuumadda waxaa Illaahay looga baryaayaa in uu ka waraabiyo Jinnatul Fardowsa dhammaan Eheledeedii iyo qaraabaddeedii ay ka geeriyootayna simir iyo iimaan alaha ka siiyo. Aamin. Aamin, Aamiin.

1. Caaqil Mohamoud Cali Jimcaale (koogaar)
2. Xaaji Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
3. Xajiyo Madiina Mohamed Sh. Axmed ( Roorow)
4. Mohamed X. Mohamoud Malim Afrax
5. Sh. Mohamoud Sh. Abdi Axmed ( Roorow)
6. Ahmed Mohamed Ossoble
7. Cabdullahi Xaji Omar M. Mahdi
8. Madina Mohamed Caddaan
9. Xaajiyo Khadiijo M. Sh. Ahmed (Roorow)
10. Cabdulqadir Calasow ( Kuwait)
11. Xaji Cabdirahman X. Sebriya
12. Xaji Mohamed Cali Gaab
13. Danjire Mohamoud Mohamed Tifow
14. Cabdirahman Cali Cismaan ( Malesia)
15. Dr. Hussein Mohamed Tacbaan
16. Xaji Ciise X. Mohamoud M. Cariif
17. Cali Sheikh Abdi Sh. Ahmed ( Roorow)
18. Xaawo Mohamed Indhayare
19. Ruqiyo Xaji Cuun-sheeye Beerey Weydow
20. Farxiyo Cumar Mohamed Barrow
21. Dr. Osman Mohamed Sheikh
22. Cabdullahi Cali Cassow
23. Axmed Dhac Dhc'o
24. Dahabo Sheikh Abdi
25. Shukri Tohow Mohamed
26. Ahmed Mohamed Afrax ( Shutul)
27. Sheikh Hassan Ali Alasow
28. Sheikh Cali Hussein Jaras
29. Ali Muhudin Mohamed
30. Abdulle Hassan Nuurow
31. Mohamoud M. Mohamoud ( Gerre)
32. Mohamoud Mudey Hassan
33. Xaji Hussein Jimale
34. Macallim Axmed Halane
35. Daahir Siyaad Daamey
36. Sakariya abdullahi Gacal
37. Mas'uud Sheekh Caamir
38. Caydiid Cal iXassan
39. Mukhtar Mohamed Axmed ( Katiitow)
40. Halgamey Abdi-nor Mohamed Abdulle
41. Xaji Mohamoud Ayrish
42. Mohamed Omar Karani
43. Yaasin Ali Hoosh
44. Sharif Haid iyo Bahda RSTVONLINE.com

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

ANAGOO KALA AH REER CUMAR SHAXSHAXLOW IYO REER SHEEKH ABUBAKAR SHEEKH MAXAMED IYO REER XAAJI ABUKAR CALI CAAMIR WAXAAN TACSI U DIREYNAA REER xaaji Saciid saalax GAAR AHAAN Maryan saciid salax iyo maxamed saciid saalax iyo amina saciid salax iyo cumar amiin IYO walala heeda IYO DHAMAAN INTA Ay KA GEERIYOWDAY ALLAH HA U NAXRIISTO:

MARXUUN Hooyo Xaajiya Fadumo Axmed Bin Axmed

OO KU GEERIYOWDAY DALKA swetzerlan magalada lusaana MANTA OO AY BISHA TAHAY 6.8.07 INTA ay KA TAGAYNA SAMIR IYO IMAAN ALLAH HA KA SIYO AANIIN AAMIIN ANAGANAH BACDIGeeda ILLHEEY MA NA FIDNEEYO AMIIN AAMIN YAARABI


Innaa lilaahi wa inaa ileeyhi rajicuun

Anigoo ku hadlaaya magaceyga Nuuradin Ali (Aba sokor) iyo Xasgeega Qadija Maxamud
waxaan tacsi u direynaa dhamaan reer Xaaji Sacid Salax geeridii ku timid

Marxuumada Faduma Axmed

oo manta tariqda ay tahay 06/08/2007 ku geriyoday Wadanka Switzerland waxaan ilaaheey uku barineynaa in as jamadii ku waraabiyo qoskii ey ka tagtaynah samir iyo imaan ka siyo aamiin aamiin yaarabi

Dhammaan Reer Eelaay, iyo hooyadooda Cureeji Jaamac Nuur iyo caruurteeda gaar ahaan Khadiija Maxamed Maxamuud, waxey tacsi u dirayaan qoyskii uu ka geeriyoodey:

Marxuum Cali Saciid Maxamed

oo dhowaan ku geeriyoodey dalka Mareekanka, sidoo kale waxey tacsi u dirayaan dhamaan reer Bulxan Maxamed iyo hooyo Faaduma Saciid Maxamed.  Waxey marxuumka eebe ugu baryayaan inuu siiyo naxriistiisa kana waraabiyo janatul firdowsa.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.


Anagoo kala ah:

Salim Macow Xaaji iyo xaaskeyga iyo caruurteyda
Cumar Macow Xaaji iyo xaaskiisa

Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo caruurtii uu ka geeriyoodey :

Marxuum Cali Saciid Maxamed

Sidoo kale waxaan tacsi u direynaa dhamaan reer Bulxan iyo hooyo Faduma Saciid Maxamed.
Waxaan marxuumka eebe ugu baryeenaa inuu siiyo naxriistiisa kana waraabiyo janatul firdowsa.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.


Annagoo ah Reer Abanuur Maxamed Cali (AL-MAKHZUMI), waxaan Tacsi Tiiraanyo
leh halkan ugu direynaa Cabdulqaadir Xaaji Cusmaan (AAMOONGE), xaaskiisa,
wiilkiisa iyo dhammaan Qaraabadii uu ka geeriyooday:

Al-marxuum:  MAXAMED XAAJI CUSMAAN (Alaa-Alaa),

oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho,
laguna aasay Qabuuraha Masaajidka SHEEKH CABDULCASIIS ee degmada
Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.
Haddaba, waxaan eebe ugu baryeynaa marxuumka in uu Janaddii ka waraabiyo,
eheladdii iyo dhammaan qaraabadii uu ka tagayna in uu eebe Samir iyo Iimaan
ka siiyo...AAMIIN

[INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN]


Annigoo ah M/ne Abukar Abanuur Maxamed, kuna hadlaya magaca Reer ABANUUR
MAXAMED CALI (Al-makhzuumi) oo kala ah:-

- Maxamed Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Abukar Abanur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa
- Cumar Abanur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cusmaan Abanur Maxamed (ABII), xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cali Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa, iyo
- Xaliima Abanuur Maxamed, odaygeeda iyo Caruurteeda

oo dhammaan kala jooga Hollanda, Ingariiska, Norwey iyo Suuriya, waxaan
Tacsi Tiiraanyo leh u direynaa Qoyskii, Caruurtii iyo dhammaan qaraabadii ay
ka geeriyootay Guud ahaan, gaar ahaan Walaalkeed Cabdulqaadir Abacali Sheekh
Amiin, iyo Walaasheed Xaajiyo Benti Abacali Sheekh Amiin oo ku nool
magaalada beledweyn ee Gobolka Hiiraan oo marxuumada ku geeriyootay, laguna
aasay halkaasi.

Allaha u raxriis Marxuumad/SHIIKHOW ABACALI SHEEKH AMIIN,

waxaa geerideeda la ogeysiinayaa qaraabadeeda oo dunida dacaladeeda ku nool,
sidoo kale waxaan u tacsiyadeynaynaa walaasheed Xaajiya Aamino oo ayda ku
nool magaalada Stokhoolm ee dalka Isweedan.

Haddaba, waxaan Marxuumada/ SHIIKHOW ABACALI SHEEKH AMIIN, oo lagu aasay
usbuucan horaantiisa magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan eebe ugu
baryeynaa in uu Naxriistii Jano uu siiyo, qabrigeedana u waasiciyo, qoyskii,
caruurtii iyo dhammaan qaraabadii ay ka tagtayna Samir iyo Iimaan in uu eebe
ka siiyo.....Aamiin.
[INAALILAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN]


INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED(ASHRAF)
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH:
1- SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
2- ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
3- SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
4- NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
5- CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.

WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN REER XAAJI ABATI SHOOBLE IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA IYO WALAALIHIISA OO DHAN MEELKASTOO AY JOOGAAN DALKA GUDAHIISA IYO DIBADIISABA

MARXUUM . CALI XAAJI ABATI

WAXUU KU GEERIYOODAY SOMALIYA MAANTAMARXUUMKA WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INUU U DAMBI DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA AMIIM AMIIN AMIIN

nur_abdi1.jpg (18982 bytes)Inaa Lillahi Wan Innaa Ilayhi Rajicuun

Waxaa Xalay oo ay taariikhdu ahayd 6/6/07 saacadduna ahayd 10:45PM ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Westerville, Ohio:

Marxuum Professor Nur Abdi Hussen.

Allaha u naxariisto, jannadii Fardowsana
Allaha ka waraabiyo. Ehelkiisana Samir iyo Imaan Allaha Ka siiyo.


To Allah We belong and to Him we return
On June 6th, 2007 at 10:45pm ETZ Professor Nur Abdi Hussen passed away in his private home in Westerville, Ohio.
May Allah shower His mercy on him, grant him paradise and patience to his family. Amin



Annigoo ah M/ne Abukar Abanuur Maxamed, kuna hadlaya magaca Reer ABANUUR
MAXAMED CALI (Al-makhzuumi) oo kala ah:-

- Maxamed Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Abukar Abanur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa
- Cumar Abanur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cusmaan Abanur Maxamed (ABII), xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cali Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa, iyo
- Xaliima Abanuur Maxamed, odaygeeda iyo Caruurteeda

oo dhammaan kala jooga Hollanda, Ingariiska, Norwey iyo Suuriya, waxaan
Tacsi Tiiraanyo leh u direynaa Qoyskii, Caruurtii iyo dhammaan qaraabadii ay
ka geeriyootay Guud ahaan, gaar ahaan Walaalkeed Cabdulqaadir Abacali Sheekh
Amiin, iyo Walaasheed Xaajiyo Benti Abacali Sheekh Amiin oo ku nool
magaalada beledweyn ee Gobolka Hiiraan oo marxuumada ku geeriyootay, laguna
aasay halkaasi. Allaha u raxriis Marxuumad/SHIIKHOW ABACALI SHEEKH AMIIN,
waxaa geerideeda la ogeysiinayaa qaraabadeeda oo dunida dacaladeeda ku nool,
sidoo kale waxaan u tacsiyadeynaynaa walaasheed Xaajiya Aamino oo ayda ku
nool magaalada Stokhoolm ee dalka Isweedan.

Haddaba, waxaan
Marxuumada/ SHIIKHOW ABACALI SHEEKH AMIIN, oo lagu aasay
usbuucan horaantiisa magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan eebe ugu
baryeynaa in uu Naxriistii Jano uu siiyo, qabrigeedana u waasiciyo, qoyskii,
caruurtii iyo dhammaan qaraabadii ay ka tagtayna Samir iyo Iimaan in uu eebe
ka siiyo.....Aamiin.
[INAALILAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN]

Innaa lilaahi wa inaa ileeyhi rajicuun

Anigoo ku hadlaaya magaca reer cumar shaxshaxlow
waxaan tacsi u direynaa dhamaan reer xaaji nuur geeridii ku timid:

Marxuum Cawli Xaaji Nuur

oo loo yiqaan jabaan oo manta tariqda ay tahay 3/6/2007 ku geriyowday magalada london waxaan ilaaheey uku barineynaa in as jamadii ku waraabiyo qoskii as ka tagaynah samir iyo imaan ka siyo aamiin aamiin yaarabi


INAALILAAH WAINAAILEEYHI RAAJUCUUN

ANAGOO KALA =REER XAAJI AMIIN MAXAMED CALI ,GAAR AHAAN CUMAR XAAJI AMIIN :WAXAAN TACSIYO
TIIRAANYO LEH UDIRAAYO EHELADII IYO CARUURTII UU KA GEERIYOODAY,

AL-MARXUUM CALWI XAAJI

NUUR OO LOOYAQAANAY ( CALWI ) (JAABAAN) OO KU GEERIYOODAY DALKA INGIRIISKA U.K. MAANTA OO
TAARIIKHDU TAHAY =AXAD (03/06/07) INTII EKEL IYO WALAAL IYO CARUUR UU KA GEERIYOODAY
SAMIR IYO IIMAAN ALAAH HAKA SIIYOO -
AAMIIN AAMIIN AAMIIN


INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED (ASHRAF)
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH:

-SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
-ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
-SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
-NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
-CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.

WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN REER MAXAMED AXMED CUMAR SH. ISLAAW IYO REER RAXMA XAAJI NUUR OO DHAN MEEL KASTO
AY JOOGAAN DALKA GUDIHIISA IYO DIBADIISABA SOMALIYA .YAMAN. SAUDIYA. AMERIKA. JARMAN. HOLAND . LONDON .KENYA . AAN OGEYSIINEYNAA IN AY XALAY SAACADU MARKEY
AHEEYD 18.00PM TAARIIKHDUNA AHEEYD SABDI 26/05/2007
AY KU GEERIYOOTAY DALKA HOLAND

MARXUUMAD: FAATMA MAXAMED AXMED ( UMA )

WAXAAN TACSI U DIREYNAA DHAMAAN NINKEEDA IYO CARUURTEEDA IYO WALAALAHEEDA OO DHAN, MARXUUMADA WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INUU U DAMBI DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA AMIIM AMIIN AMIIN


shariif_makhtuub.jpg (18931 bytes)INAA LILLAAH WA INNAA ILLEEYHI RAAJICUUN KULUNNAFSIN DA'IQATULL MOUT

ANNIGOO KU HADLAAYO MAGACA FAMILKEEYGA REER MAXAMED XUSSEYN XEYDAR (MEKAL)

ANIGOO AH MAXAMED XUSSENY XEYDAR (MEYKAL XUSSEYN)

-FAAIZA MUXIYIDDIIN XAAJI AXMED (MAAMA FAAIZA)
-IYO CARUURTEEYDA OO KALA AH
-SULTAAN MAXAMED XUSSEYN (ASSAD)
-CALI MAXAMED IYO FAMILKIISA
-CEYNI MAXAMED IYO FAMILKEEDA
-FATXIYA MAXAMED (MAAMA FATXIYA)
-DAANIYA MAXAMED
-SAAJIDA MAXAMED

WAXAN TACSI NAXDIN AH OO TIIRAANYO LEH U DIREEYNAA

FAMILKII IYO QARAAWADDII UU KA GERIYOODAY GAAR AHAAN CARUURTIISA IYO DUQDIISA

HOOYO  AABA CADEEY SHARIIF MAXAMUUD IYO CARUURTIISA OO MEEL WALBOO AAY JOOGAAN

1=MAXAMED SHARIIF CUMAR ABUUBAKAR IYO FAMILKIISA
2=XUSEEN SHARIIF IYO FAMILKIISA
3=XASAN SHARIIF IYO FAMILKIISA
4=AAMINA SHARIIF FAMILKEEDA
5=ABUUBAKAR SHARIF (SHARIIF II) IYO FAMILKIISA
6=MAANA SHARIIF IYO FAMILKEEDA
7=CALI SHARIF IYO FAMILKIISA
8=SAALAX SHARIIF IYO FAMILKIISA

ALLAHA U NAXARIISTO JANNATUL FERDOOWS ALLAHAKA WARAABIYO WAALIDDKEEYNA:

MARXUUM SHARIIF CUMAR ABUUBAKAR (AL MAKHTUUB)

OO MAANTA TARIIQDU TAHAY 21/5/2007 KU GEERIYOODAY DALKA SOOMAALIYA GAAR AHAN MARKA CADEEY SAACADU MARKAAY AHEEYD TOBON IYO LABASAC FIJIRKIINIMO

WAXAAN EEBA OOGA BARYEYNA WAALIDKEEYNA INUU ILLAAHEEY U RAXMADO NAXRIISTII JANNO AALLAHA SIIYO ILLAAHEEY HA U DAMBI DHAAFO INSHA ALAAHU AAMIIN

EHELADDII IYO QARAAWADII UUKA GEERIYOODAY DHAMMAAN REER

SHARIIF CUMAR ABUUBAKAR AL MAKHTUUB SABAR IYO IIMAAN ALLAHAKA WADDA SIIYO AAMIIN


xaaji_cali_abukar.jpg (38881 bytes)ALLAH HA U NAXARIISTEE Haji Ali Abukar Mahdi “ HAJI GUDMANE “ wuxuu ku dhashay agagaarka Jaamacada Xamar wayne - Muqdisho 1926dii
Kadib barashada Quraanka kariimka, wuxuu aad ugu aftahamsanaa luqada carabiga - tafsiirka qu'aanka – Axaadiithka iyo minhaajka .

1946 dii wuxuu ku soo biiraday siyasada illa Ebbe ka ofsado, wuxuuna door lama iloowaan ah ka soo qaatay halganka ku midesneed bahwaynta reer banadir asagooo had iyo jeer ka mid ahaa shaashada golaha dhexe caynaanka hogaaminta : HYC – UGB iyo SANU ,.

Wuxuu ahaa aftaham adeegsado aqoonta diinta Islamka – Axaadiista iyo mahmaayo xikmadeed xasaasi aad u qoto dheer dhaqaajinayo shucuurta shaqsiga reer Banadir , asagoo haygaan u ahaa u adeegida Qomiyadiisa sii dacadnimo ku bar tilmaanaa .

Wuxuu ka mid ahaa ragii aaminsanaa una horseedayay in horumarka Qomiyadeena ku jirto waxbarashadda iyo farsamada , taasna waxaa marqaati madoonto u ah in dhallinta lagu booriyaay lona jiheeyay wadamadda : China,Qahira iyo wadamo kale .... si loo sugo mustaqbalka dhalinta Qomiyadda reer Banadir .

Wuxuu ahaa ALLAH HA U NAXARIISTEE shaqsi waya arag-xikmadeed ku gaamuroway kana walwala mustaqbalka Qomiyadiisa , burbuurkii dalka wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii SNU ,

ALLAH HA U NAXARIISTEE waxaa ku xusuusan donaa qof kasta reer Banadir kalintiisa halgan uu ku lahaa masiirka Qomiyaddda reer Banadir iyo go’aan qadashadiisa geesinimo isku kal-soonaanta ku jirtay , waxaa lagu xusuusan doonaa aqoontiisa dhaqan iyo diineedba ay wehlisay grashada iyo dhaqankiisa hogaamineed ku dheehneed codkarnimo – wadaninimo iyo xilkasnimo .

Nolashadiisa iyo muqaalkiisba goni ahaan iyo guud ahaan Qomiyada u ahayd wax wayn Allah ha u Naxariistee Janada Eebbe ha siyee wuxuu noga tagay taxane taariikheed ee aan dib u tafa tiri doono Insha Allah .

Sida warka naxdinta leh nagu soo gaaray in uu geeriyooday Halgame Haji Ali Abukar Mahdi “ HAJI GUDMANE “ 02 .May .2007 sacadu markii ay ahay 18:00 pm ee xiliga WACHINGTON SEATTLE USA ,waxaana la aasay malinta Arbacada 04.05.2007 NAXARIISTII JANO ILLAHAY HA KA WARAABIYO , inagana samir iyo iimaan ha naga siiyo INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN .

WALLAHU MUWAFIIQ
Wal. Sayidali Sharif


INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

Waxaan halkaa aniga iyo xaaskeyga Deeqo Salaad Cali tacsi uga diraayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootey Ayeeyo:

MARXUUMAD: BUUXO YUUSUF CALI OORSHE

oo ku geeriyootey Qardho, Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Hooyo Ruqiyo Jaamac Warsamae iyo ilmo Salaad Dheere meel kasta ay joogaanba. oo ay aheyd ayeydood. Waxaan ilaah uga baryaayaa inuu Janatul fardowsa ka waraabiyo, Amin.

Eng. C/rashid Cartan Musse


INNA LILAAHI WA INNA ILAYHI RAAJICUUN

asli.jpg (13978 bytes)Waxaa maantay magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyootay allaha u naxariistee:

Marxuumad ASLI SALAAD FARAH (Indho maleh)

waxaana ilaah uga baryeena in uu jannada ka
waraabiyo anagana samir iyo iimaan naga siiyo

Anigoo ah Mohamed Ali Aden kuna hadlayo magaca qaraabada, Marxuumad Asli Salaad iyo kan jaaliyadda
somaliyeed ee Canada waxaan tacsi u diraynaa:-


1- Anab Said Keyliye
2- Mohamed Said Keyliye
3- Wiio Said Keyliye
4- Sahro Said Keyliye
5- Ubah Said Keyliye
6- Ayan Said Keyliye
7- Jamilo Said Keyliye

Waxaan ilaah ka baryeenaa in samir iyo imaan idinka siiyo


hooyo_kuluc.jpg (30667 bytes)Anagoo kala ah:

-Mahad yaasiin qaarey
-Bishaar cabaas maxamed
-Cabdiraxman deyr qaliif
-Dr Xssan eebakar
-Mustafa abuubakar Maxamed
-Sheikh Cabdirxman Shariif
-Cabdi Abaar
-Eng. Cabdi cassiis Dhicis
-Saalim Macoow
-Cali Siciid Faqi
-Cabdi maalik Askar
-Reer Hersi Geesood oo uu gu horeeyo Mahmud Hersi geesood
-Iyo Reer Kuluc oo idil
-habaryar Fadumo Waahiir

Waxaan si wada jir ah tacsi ugu diraynaa Xasan Xirsi geeridii naxdinta laheyd ee ku timid hooyadiis alaha u naxariistee

Marxuumad Hooyo Xaliima Maxamud Kuluc

ku geeriyootay Balaweyne May/06/2007. Waxaan ilaahay kaga bayeeynaa in eheladii ka geeriyootay inuu samir iyo iimaan ka siiyo ilaaheey iyadana janatul fardowsa Ilaaheey
ka waraabiyo. Aamiin.

Waxaa tacsi loo dirayaa sidoo kale ehelada dhamaan reer Hirsi Geesood iyo dhamaan reer Maxamud Kuluc


ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF ) IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH:

-SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
-ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
-SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
-NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
-CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.

WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA WALAALAHEERDA NINKEEDA IYO CARUURTEEDA OO DHAN KALANA AH:

REER SHEEKH AXMED SH. MAXAMED IYO REER AA BANO OO DHAN GAAR AHAN:

-CABDALA MAXAMED SUUFI
-MAXAMED CABDALA XAASKIISA IYO CARUURTIISA
-SAWAAT CABDALA NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
-LIYA CABDALA NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
-MUXIDIIN CABDALA XAASKIISA IYO CARUURTIISA
-FAHMA CABDALA NINKEDA IYO CARUURTEEDA
-CUMAR CABDALA XAASKIISA IYO CARUURTIISA
-FARXIYA CABDALA NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
-SAADAQ CABDALA IYO XAASKIISA

IYO WALAALAHEEDA OO DHAN IYO EHELADII IYO QARAABADEEDA OO MEELKASTO AY JOOGAAN DALKA GUDIHIISA IYO DIBADIISABA GAAR AHAAN SOMALIA- ITALIA-LONDON

MARXUUM : AAMINA AXMED SHEEKH MAXAMED

OO DHAWAAN KU GEERIYOOTAY MAGAALADA MUQDISHO DAGMADA KAARAN TAARIIKHDUNA AHEEYD 25/ 04 /2007 MAALINTA ARBACADA HABEENKA KHAMIISTA SOO GALEYSA WAXEYANA EEBE UGU BARYEEYNAA INUU MARXUUMADA U DAMBI DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA

AAMIIN AAMIIN AAMIIN


Inaa Lilaahi Wainaa Ileeh Raajicuun

KULU NAFSIN DAA'IQATO MOOWTI WAXAA SHALEY TAARIIQDU AHEET 26-04-2007 EE KU GEERIYOODEY Soomaali MAGAALADA Beydhabo

Marxuumada Maryan Ali Mao

OO DADEEDU AHEET 21 JIR NAXRIISTII JANO ALAAH HA KA WARAABSHEE WAXAA LA OGEEYSIINEYAA ehelkeeda oo KU KALA NOOL SUCUUDIGA IYO YEMEN IYO KENYA IYO USA IYO QAARADA YURUB IYO AHLADEEDA MEEL KASTOO AY JOOGAAN ANIGOO AH Abtigeeda Nuuradin Ali HAJI Maxamed IYO Xaskeega Qadija Maxamudiyo caruurdeeda WAXAAN LEENAHAY JANADII ILAAHEY HA KA WARAABSHO SAMIR IYO IIMAAN ILAAH HA NAGASIYO Aamiin

Familka Cali Maxamed Unsane oo kala ah Qamar Cali iyoHindiyana Cali iyo Maryan Cali iyo Saciid Cali iyo Rasiya Sultan iyoXusen Cumar iyoQaalid Cumar iyo Qamar Macow Faduma Macaw- Salaado - Maxamud Macow Maxamud Xaji Amin- Faqay kaxdan - Maxamed Nuuradin . u wada tacsinee naayaan. Aabo CALI Macow iyo Hooyo Faaduma Cali iyo Walaal Luqmaan iyo Walaal Rasiya Cali.

MARXUUMADA Maryan Ali Mao NAXRIISTII JANO ALAAH HA KA WARAABSHEE

AAMIIN AAMIIN AAMIN Yaarab
i


 

Cusmaan_Yuusuf.jpg (18417 bytes)Waxaa magaalada San Diego ee Gobolka California, USA maalintii Sabtida bisha April 14, 2007 ku geediriyoodey Allah u naxriistee:

Marxuum Cusmaan Yuusuf Imankey

Geeridan naxdinta leh waxaa lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta ee ku kala nool addunka dacaladiisa.  Waxaa marxuumka Ilaah ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa. Ehelkii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Allah ka siiyo. Aamiin..Aamiin.

 

 

 


 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT

shiikha_xaaji.jpg (20768 bytes)ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER

AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF )
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH
SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.
WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA CARUURTIISA OO DHAN

MAANA SHIIKHA XAAJI IYO CARUURTEEDA
FAA'ISA SHIIKHA XAAJI NINKEEDA IYO CARUURTEEDA

BEELA SHIIKHA XAAJI
NINKEEDA IYO CARUUTEEDA

CABDURAXIIM SHIIKHA XAAJI
XAASKIISA IYO CARUURTIISA

CILMI SHIIKHA XAAJI
XAASKIISA IYO CARUUTIISA

AMIIN SHIIKHA XAAJI
IYO XAASKIISA

AAMINA SHIIKHA XAAJI

IYO WALAALAHIISA OO DHAN IYO EHELADII IYO QARAABADIISA OO
MEELKASTO AY JOOGAAN DALKA GUDIHIISA IYO DIBADIISABA
GAAR AHAAN -SOMAALIYA -YAMAN-LONDON-ITALIYA-JEDAH-

MARXUUM: MUXIDIIN XAAJI AXMED ( SHIIKH XAAJI )

OO DHAWAAN KU GEERIYOOTAY MAGAALADA MUQDISHO
XAAFADA XAMAR JABJAB TAARIIKHDUNA AHEEYD 28/ 03 /2007
MAALINTA ARBACADA WAXEYANA EEBE UGU BARYEEYNAA INUU
MARXUUMKA U DAMBI DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA
AAMIIN AAMIIN AAMIIN


 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

dada_hallow.JPG (31625 bytes)Maalintii Sabtida oo ay bisha Maarso ahayd 17 ka oo ku geeriyootay Wadanka Holland ALLAHA u naxariistee,

Hooyo Hawa Hallow Cabdi.

Waxaan tacsideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda iyo qaraabadeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan guud ahaan u tacsiyadeyneynaa Reer Hollow iyo Reer Aweys oo dhan. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa caruurteed Cumar Xaji Macow, Caddey Xaji Macow, Cali Xaji Macow, Cabdullahi Xaji Macow, Abukar Xaji Macow, Asiili Xaji Macow, Fadumo Xaji Macow, Xuseen Xaji Macow, Luul Maxamed iyo caruurteed (Rima, Cali, Ruqiya, Rania, Lamya, iyo Makka), Xawa Cali, Maxamed Cali, Maryan Cali, Muna Cali, Majid Cali, Khadar Ahmed, Najma Cumar, Faduma Cabdullaahi, Nirmaan Abucar iyo gabadeed Farax, Fa Caddoy Iikar, Duniya Xusseen iyo familkeeda, Fariida Abucar, Ali Cumar, Cabdalla Cumar, Cabdirazaq Cumar, Samira Cabdullahi, Iyo Walaalaheed (Cali, Sacdiyo, Samsam, Soda iyo Hoyadood Xalimo. Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in uu jannadii ka waraabiyo.

Amiin


CABDURAXMAAN_SACIID.jpg (22853 bytes)INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT.

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF )
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH
SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.
WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA CARUURTIISA OO DHAN
IYO EHELDII IYO QARAABADII UU KA GEERIYOODAY MARXUUMKA OO KALA AH
FATIMA CABDURAXMAAN SEYDII
FOWSIYA CABDURAXMAAN SAYDII
FARXIYA CABDURAXMAAN SEYDII
MAHDI CABDURAXMAAN SEYDII
CABDULQAADIR CABDURAXMAAN SEYDII
SAARA CABDURAXMAAN SEYDII
SAMIIRA CABDURAXMAAN SEYDII
EHELDIISA OO KALA JOOGA SOMALIYA .LONDON. AMERIKA . ITALYA.HOALNDA. AUSTARLIYA..YAMAN.

MARXUUM:   CABDURAXMAAN SEYDII MAXAMED XAAJI

OO DHAWAAN KU GEERIYOODAY DALKA AUSTARALIYA MAALINTA JIMCAHA TAARIIKHDUNA AHEYD 16 / 03 / 2007- WAXEYANA EEBE UGU BARYEEYNAA INUU MARXUUMKA U DAMBI DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA AAMIIN AAMIIN AAMIIN


Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucuun

Kulu nafsin daaiqatu moowt waxaa geeriyoodey taariiqdu markey aheet 6-3-2007

Marxuum Cumar Xamza

kuna geeriyoodey yemen mgaalada tacis / waxaa la ogeey siineyaa dhamaan ahladiisa iyo qaraabadiisa ku kala nool somalia iyo kenya america iyo qaarada Europe iyo canada anigoo ah mana ahmadey abukar iyo nin keega sharif caamir al - shanshi iyo dhamaan reer Ahmadey Abukar waxaan Ilaah uga baryeynaa janadii inuu ka waraabiyo caruur tiisana samar iyo imaan alaah ah ka siyo / aamin


Anagoo kala ah:
Dr. Maxamed cumar sh.abukar(Baashi).
Cali cumar sh.abuukar (Oskar).
Cabdulqaadir Cabdulcaziz maxamed.
Abuukar maxamed abanuur (sayid abuukar).
Maxamed Awees macalin.
Xaajiya maana abanuur maxamed.

Dhamaanteena waxaan tacsi u direynaa:Cadeey xaaji macow iyo walaalaheeda oo hooyadooda:

Marxuumad Xaawa Halow Cabdi

oo dhowaan ku geeriyootay waddanka Holland.
Waxaa tacsidaas mid la mid ah u diraynaa intii ay ka tagtay dhamaantooda,waxaana ilaah uga baryaynaa in janadii fardowsa ilaah ka waraabiyo eheladii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.


INNAA LILAAHI WA INNAA IlAAHI RAAJICUUN

Waxaan guud ahaan u tacsiyadeyneynaa Reer Hollow iyo Reer Aweys oo dhan.Geeridii ku timid

Hooyo Hawa Hallow Cabdi.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa caruurteed oo kala ah

Cumar Xaji Macow,
Caddey Xaji Macow,
Cali Xaji Macow,
Cabdullahi Xaji Macow,
Abukar Xaji Macow,
Asiili Xaji Macow,
Fadumo Xaji Macow, 
Xuseen Xaji macow.

Waxaana Eebbe uga baryaynaa marxuumada in uu ka waaraabiyo Jannatul Fardowsa . Dhammaan Eheledii iyo Qaraabadii marxuumadana Eebbe in uu ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin,Aamiin,Aamiin. Waxaana tacsidan diraaya  :-

DR. Xasan Xaaji iyo Caruurtiisa.
Dr  . Moh'd Abukar iyo Caruurtisa.
Mr . Moh'd Nasir iyo Caruurtiisa


INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA CABDULQAADIR AMIIN MAXAMED ( ASHRAF )
IYO XASKEEYGA IYO CARUURTEYDA OO DHAN OO KALA AH
SAHRA MAXAMED XAAJI BUXOOW
ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN
SAKIINA CABDUQAADIR AMIN
NAJMA CABDUQAADIR AMIN IYO NINKEEDA
CABDURAXMAAN XAAJI CUMAR.
WAXAA DHAMAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA CARUURTIISA OO DHAN
IYO EHELDII IYO QARAABADII UU KA GEERIYOODAY MARXUUMKA OO KALA AH
HOOYO FAADOMA LUUNGO
FATIMA CABDURAXMAAN SEYDII
FOWSIYA CABDURAXMAAN SAYDII
FARXIYA CABDURAXMAAN SEYDII
MAHDI CABDURAXMAAN SEYDII
CABDULQAADIR CABDURAXMAAN SEYDII
SAARA CABDURAXMAAN SEYDII
SAMIIRA CABDURAXMAAN SEYDII IYO WALAALIHIISA OO KALA AH
MAXAMED SEYDII MAXAMED XAAJI IYO XAASKIISA
BIIBI SEYDII MAXAMED IYO CARUURTEEDA
AMINA SEYDII MAXAMED IYO WIILKEEDA
KHADIIJA SEYDII MAXAMED IYO NINKEEDA
EHELDIISA OO KALA JOOGA SOMALIYA .LONDON. AMERIKA . ITALYA.HOALNDA. AUSTARLIYA..YAMAN.

MARXUUM: CABDURAXMAAN SEYDII MAXAMED XAAJI

OO DHAWAAN KU GEERIYOODAY DALKA AUSTARALIYA MAALINTA JIMCAHA TAARIIKHDUNA
AHEYD 16 / 03 / 2007- WAXEYANA EEBE UGU BARYEEYNAA INUU MARXUUMKA U DAMBI
DHAAFO KANA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA AAMIIN AAMIIN AAMIIN


Anagoo kala ah:

Cabdulqaadir Cabdulcaziz Maxamed.

Cali Cumar Sh. Abuukar (Osakar).

Maxamed Cabaas Cusmaan.

Ismaaciil Maxamed Sh. Wali.

waxaan tacsi u diraynaa, Mahdi Cabdiraxmaan Saydii iyo walaalahiisa oo aabahoda:

Marxuum Cabdiraxmaan Saydii Maxamed

ku geeriyooday waddanka Australia, waxaana ilaah uga baryaynaa in janadii fardowsa ka waraabiyo,eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

ANNAGOO AH DURRIYADDA REER MAACOW XAAJI NUUR OO KALA AH:

CUMAR MACOW XAAJI IYO XAASKIISA MAANA MAXAMAD AXMADEEY.
CISMAAN MACOW XAAJI XAASKIISA IYO CARU URTIISA.
CAYDARUUS MACOW XAAJI XAASKIISA IYO CARUURTIISA.
CALI MACOW XAAJI XAASKIISA IYO CARUURTIISA.
SAALIM MACOW XAAJI XAASKIISA IYO CARUURTIISA .
SALIM MACOW XAAJI XAASKIISA IYO CARUURTIISA.
XUSEEN MACOW XAAJI XAASKIISA IYOCARUURTIISA.
MAXAMAD AXMAD MACOW XAASKIISA IYO CARUURTIISA .

DHAMMAANTEENI ANAGOO TIIRAANYEESAN
WAXAAN TACSI U DIREYNAA WALAAHA KALA KALA AH:

CADEEY XAAJI MACOW AWEES.
Dr CALI XAAJI MACOW AWEES.
CUMAR XAAJI MACOW AWEES.
C/LAHI XAAJI MACOW AWEES.
IYO DHAMAAN DURIYADA XAAJI MACOW
GEERIDII NAXDINTA LEHEED OO KU TIMID HOOYADOOD :

MARXUUMAD XAAJIYA XAAWA HALOW CABDI

OO KU GEERIYOOTAY DALKA HOLANDA MAGAALADA ROTTERDAM,
MAANTA SUBAXNISAACADU MARKAY AHAYD P.M.8,30.
MARXUUMADA WAXAAN ILAAHEEY UGU BARYAYNAA IN JANNATULFIRDOWSA KA
WARAABIYO, CARUURTII QOYSKII,QARAABBADII IYO MACRIIFTII AY KA TAGTAY IN
SABAR IYO IIMAAMAAN IN ILAAHEEY NAGA SIIYO .

AAAAMIIIIIIIIN AAAMIIIIIN AAAMIIIN


INNAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN!!!

DHAMAAN ANAGOO KU HADLEENA MAGACA JAALIYADA SOOMAALIYEED CADAN YEMEN WAXAAN TACSI U
DIREENAA QOYSKII IYO EHELADDII UU KA GEERIYOODAY FANAANKA WEEN AL USTAAD:

MARXUUM AXMED SHARIIF KILLER

OO XALAY OO AY TAARIIQDU AHEED 11/3/200 KU GEERIYOODAY MAGAALADA CADAN DALKA YEMEN
GAAR AHAAN TACSI QAAS WAXAAN U DIREENA WALAALKISSA C\LAAHI SHARIIF BAASTOOW

TACSIDA WAXAAD KALA SOO XIRIIRI KARTAAN E-MAILKA AH
ALOOOORE@HOTMAIL.COM AMA TALEFANAKA WALAAKIIS C\LAAHI SHARIIF BAASTOOW CADAN
00967733384239

WAXAANA ISLA GALABTA LAGU AASI DOONAA QABUURAHA CADAN
ALLAHA U NAXARIISTO DHAMAANTEENANA ALLAHA NOO NAXARIISTO BACDIGIISANA ALLAHA NAMA FIDNEEYO

Waxaa dhamaan bahda suugaanta soomaaliyeed gaar ahaan banaadiriga lagu wargelinayaa in
xalay saqdii dhexe uu geeriyooday fanaanka Axmed shariif kiler naxariis janno allaha
siiyo Aamiin waxana ka codsaneenaa dhamaan aqyaarta jecel suugaanta in ka soo qeyb
qaataan sagootinta fanaankaas ama duugtiisa
warbixin kooban fanaanka maanta ku geeriyooday magaalada cadan waxaa in dhoweetaba ka
cawanaayay xaalad caafimaad oo liidata Allaaha u naxariistee Axmed shariif killer waxa
uu soo gaaray wadanka Yemewn bartamihii sagaashameeaydii wuxuuna isaga noolaa dalka yemen
taariiqdiisa oo balaaran waxaan idiin soo gudbin doonaa goor dhow

 

Anigoo ku hadlaayo magaca reer Cumar Sheekh Mohamed Shaxshaxlow

Waxaan dhamaan ehelka reer Faqi Aba Xaaji an ogeysinayaa in ay manta oo ay tariqdu tahay 27/2/2007 ay ku geeriyowtay dalka denemar:

Marxuumada Safiya Amiin Maxamed

Waxaan ilaaheey ugu barineynaa in ay janadii fardowsa ka waraawiyo qoskii iyo ehelkii ay ka tagtayneh sawar iyo imaan in  ilaaheey naga siyo aamiin aamiin yaarabi


 

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

ANAGOO KALA AH

REER SHARIF ALI GEEL-DILE
REER SHARIF MAHAMED DIBESHI
REER SHARIF SHAMI
REER SHARIF YAHYE
REER XAAJI MURIIDI
ZEIN SHARIF MAHAMED ( DIBESHI )
ABA NOOR SHARIF MAHAMED ( DIBESHI )
MAHAMED SHARIF SHAMI ( YAXAMED )
SALAH SHARIF ALI ( GEEL-DILE )
RASHIID SHARIF ALI ( RAASHID CAANOOLE )
ABUKAR SHARIF ALI ( ABUKAR CAANOOLE 2 )
HOOYO KHADIJA SHARIF YAHYE
DADO SHARIF ALI ( FATEMA )
DADO SHARIF SHAMI ( MANA BINTI )
RAHMA ALI ABUKAR ( ROMA ALI )
XALIMA CAYDARUUS
KHEYRTA XAJI MURIIDI
FADUMO SHARIF ABDALLA ( ABAAY )
KHEYRTA SHARIF ZEIN ( KHEYRIYA )
WAXAAN TACSII U DIREYNAA DHAMAN
REER SUFI ALI IMAN IYO CARUURTII MALAY JOOGAN DUNIDDA

GEERIDDII  MARXUUMADDA

FADUMO SHEIKH ABUKAR ( ABAAFAN )

OO DHAWAAN KU GEERYOOTAY MAGAALADA KASAL EE DALKA GERMAN
WAXAAN ILAAH UGU BARYEYNAA INUU JANADDII KA WARAABIYO
AAMIN AAMIN AAMIN

Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji iyo Xaaskiisa
-Cusmaan Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Ceydaruus Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Cali Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Salim Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Xuseen Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Maxamed Axmed Macow Xaaji iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa

Waxaan tacsi oo tiiraanyo leh u direynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey

Marxuum Sayid Nuur Shiikh Muxidiin

oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Chicago ee wadanka Mareekanka
Waxeyna Eebe ugu baryeenaa inuu marxuumka u dambi dhaafi kana waraabiyo Janatul Firdowsa
Aamiin..Aamiin.


INNAALILLAAHI WA INNAAILEYHI RAAJICUUN

MAANTA OO AY TAARIIKHDU TAHAY 11/O1/2OO7,WAXAA DALKA SUCUUDIGA KU GEERIYOOTAY:

MARXUUMAD MAYMUUNA SIYAAD IIDO.

ANAGOO KALA AH MAXAMAD CUMAR MAXAMAD (ALAALE)
IYIO XAAXKIISA MADIINA SIYAAD IIDOO TACSI TIIRAANYO
LEH U DIRAYAAN DHAMMAAN QOYSKA REER CUMAR
MAXAMAD SIYAAD IYO WALAALAHA KALA AH:
MAXAMUUD SIYAAD IIDOO.
SHARIIFA SIYAAD IIDOO.
DAA'UUD SIYAAD IIDOO .
MAXAMUUD SIYAAD IIDOO.
IYO MARXUUMADA NINKEEDA MAXAMAD AXMAD DALFAC (BAADKEEY) .
GEERIDII NAXDINTA LEHEED EE KU TIMID WALAA
WALAASHOOD.
MARXUUMAD MAYMUUNA SIYAAD IIDOO

WAXAA TACSI TAA LA MID AH U DIRAYAAAN ASXAABTA
REERKA OO KALA AH:C/QAADIR CALI BOOLAAY, CUMAR MACOW XAAJI, ISMAACIIL MAXAMAD CISMAAN, C/QAADIR MAXAMD (KAADER)SHARIIF CALAWI. MAXAMAD CALI XASAN(DHEGWEYNE). MAXAMAD CALI FARAS. LIIBAAN JAAMAC WARSAME. C/SHAKUUR ABSHIR MAXAMAED.XALIIMA CUMAR MAXAMAD IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA.
DHAMMAN WAXAY LEEYIHIIN EHELADII,QARAABADII IYO CARUURTII AY KA TAGTAY MARXUMADA IN SAMIR IYO IIMAAN ILAAHEEY IDINKA SIIYO MARXUUMADANA JANNATULFIRDOWSA KA WARAABIYO.
AAAAMIIIN AAAMIIIN AAAMIIIN


Qaar ka mid ah Maclimiintii Kulliyadda Xananada & Dawaada Xoolaha  Tacsi u direysa Qoyskii u ka geeiyodey Professor Xirsi Qorey

Waxaa shalay Axaddii  bisha December 31, 2006 ku geeriyodey magaalada Garoowe ee Somaliya Professor Hersi Abdulle Guleed oo ku magac dheera “Hersi Qorey” Geeridii Professor Hersi Qorey waxa la ogeysiinayaa dhamaan qarabadiisa iyo asxaabtiisa ee addunyada meel kasta ku nool.  Professor Hersi Qorey wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga Kulliyadda Xanaanada & Caafimaadka Xoolaha ee Jaamacadda Somaliyeed tan iyo intii ka horeysey 1991. Qaar ka mid ah macalimiintii hore ee Kulliyadda Xanaanada iyo Daawada Xoolaha ayaa waxay Tacsi u dirayayaan Qoyskii iyo qaraabadii  u ka geeriyodey Professor Xirsi Cabdulle Guleed. Waxa kaloo ay Tacsi gaar ahaan u dirayaan adeerkii Madaxweynaha ku meel gaar ka ah ee Somaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Ahmed. Waxayna  ilaah ugu baryayaan inuu janadii firdowsa ka waraabiyo, inta u ka tageyna samir iyo Iimaan Allah ka siiyo- Aamiin.

Waxay maclimiinta ay kala yihiin:

1)     Professor Ali Mohamed Geedi (Somaliya)

2)     Professor Abdihamid Haji Mohamed (Nederland)

3)     Professor Salim H. Alio’ Ibro’(Somaliya)

4)     Professor Abdulkadir Ismail (UK)

5)     Professor Abdijabar Hassan Diini (somaliya)

6)     Professor Abdilatiif Haji Abdi (Kenya)

7)     Professor Abdirahman Warfa (Somaliya)

8)     Professor Mahamed Abdi Arush (Bile) (Italy)

9)     Professor Mahdi Geedi Qayaad (Kenya)

10)  Professor Farah M. Cilmi (Italy)

11) Professor Osman Qalinle (Italy)

12) Professor Abdirahman Makhtal (USA)

13)  Professor Ahmed Dayib (Ethiopia)

14) Professor Ali Said Faqi (USA)

15) Professor Cabdullahi Sh. Mohamed (Somaliya)

16) Professor Abdullahi Ali Hersi- Dollar (Somaliya)

17) Professor Abdulkadi Khalif Abdulle

18) Professor Farhan (Somaliya)


salim_abukar.jpg (12471 bytes)Waxaa shalay talaadadii bisha disembar 26, 2006
ku gaeriyodey magalada jidda
ee dalka sacuudiya carabiya

Marxuum Saalim Abuukar Baxamish

Geeridii Saalim A. ABUUKAR BAXAMISH
WAXA LA OGEYSIINAYAA DHAMAAN
QARABADIISA IYO ASXAABTIISA EE
ADDUNYADA MEEL KASTA KU NOOL.
ANNAGOO KALA AH FAMIILKA REER
AMIIN MAXAMED XEYDAR OO KALA AH
HOOYO ALIYA AXMED CUMAR (CAMBAR), AXMED SHOBLE
IYO XAASKIISA CAFIYA AMIIN MAXAMED
IYO CARUURTOODA, MAXAMED AMIIN MOXAMED
& XAASKIISA NUURTO IMAAN AXMED IYO CARUURTOODA,
ABDULKAADIR AMIIN MAXAMED (ASHRAF) IYO XAASKIISA
SAHRA MAXAMED XAAJI IYO CARUURTOODA, IMAAN CABDURAXMAAN XEYDAR
& XAASKIISA CADDO AMIIN MAXAMED IYO CARUURTODA, CISMAAN CUMAR &
XAASKIISA SAKIINA AMIIN MAXAMED IYO CARUURTOODA,
XEYDAR AMIIN MAXAMED (BIN CALI) IYO XAASKIISA
AMINA ABDULKADIR MAXAMED IYO ABUUKAR AMIIN MAXAMED
(SHIEK) & XAASKIISA SACIDA CUMAR MAXAMED
IYO CARURTOODA.

WAXAAN TACSI U DIREYNAA RAXMA CUMAR
IYO CARUURTOODA, XAASKII IYOCARUURTII U
KA TAGEY & DHAMAAN REER ABUUKAR BAXAMIISH
GEERIDII NAXDINTA LA HAYD EE KU TI MID WALAALKEEN
MARXUUM SAALIM ABUUKAR, WAXAANA ILAAH UGU BARYEENAA
INUU JANADII FIRDOWSA KA WAAABIYO, INTA U KA TAGEYNA
SAMIR & IMAAN ALLAH KA SIIYO_ AAMIN.


INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaa shalay talaadadii bisha December 12, 2006 ku geeriyodey magaalada Seattle ee Gobolka Washington

Marxuum Xussein Cali Cumar Shegow

Geeridii Xussein Cali waxa la ogeysiinayaa dhamaan qarabadiisa iyo asxaabtiisa ee addunyada meel kasta ku nool.
Annagoo Kala ah
1) Bishaaro Haji Munye
2) Dr. Hassan Abdo’ Munye
3) Dr. Cali Maxamed Maxamud (Apollo)
4) Omar S. Omar
5) Cumar X. Munye Bishaaro
6) Dr. Cali Saciid Faqi
7) Ali Alio Mohamed
8) Munye Maxamed Cabdulle
9) Dott. Aden Abokor
10) Sheikh Cali Said Axmed
11) Amiin Abu Haadi
12) Adan Cabdalla Xassan
13) Dr. Abdulkadir Nur Awo
14) Jeilani Bishaaro H. Munye
15) Dr. Xassan Jabir Shekhuna
16) Abdiaziiz Abukar Baafo
17) Nureeni Diinki
18) Cusmaan Abdulle
19) Dr. Maxamed Muxidiin
20) Faqi Saciid Faqi
21) Ibrahim Maxamud Maxamed
22) Cabdulle Saciid Faqi
23) Cusmaan Amiin Munye
24) Cabdixamid Aweys Abu
25) Cabdullahi Aweys Abu

Waxaan Tacsi u direynaa hooyo Zuhra Yusuf iyo aabe Cali Cumar Sheegow, xaaskii iyo Caruurtii u ka tagey iyo dhamaan reer Cali Cumar Sheegow geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Walaalkeen marxuum Xuseein Cali, waxaana ilaah ugu baryeenaa inuu janadii firdowsa ka waraabiyo, inta u ka tageyna samir iyo Iimaan Allah ka siiyo- Aamiin.


Tacsi ku socota Qoyska Reer Cali America (Adduunka)
Eng: Mohamed Ali Gacal Darbane, haji Hassan Bulle Cali Qaroofow Reer Cali Gaadle iyo dhmaan Bahweynta Beesha waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday

Marxuum Cali Nuur America

oo xalay ku geeriyooday Magaalada Toronto dalka Canada, gaar ahaan waxaa Tacsiyada la gaarsiinayaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mamaxed Cali America.

Marxuumka dhintay waxaa Ilaahay looga bariyay inuu Janadii Fardowsa Ilaah ka waraabiyo Qoyskii uu ka tagayna Sabir iyo Iimaan allaha ka siiyo . Aamiin

Eng: Mohamed Ali Gacal Darbane
Email: infarmations@hotmail.com


Inaa Lillahi Wainaa Ileeh Raajicuun

Kulu Nafsin Daaiqatal Moowti
Anagoo Kala Ah Familka
Cabdulqaadir Amin Maxamed ( Ashraf )
Sahra Maxamed Xaaji Buuxow
Ismahaan Cabdulqaadir Amin
Sakiina Cabdulqaadir Amiin
Najma Cabdulqaadir Amiin
Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh U Direeynaa
Dhamaan Reerkii Uu Ka Geeriyooday
Xali, Tariiqdu Eheet 10/12/2006
Ee Ku Geeriyoodey Dalka Yemen Magaalada Sanca

Maxruum: Cabdalla Xaaji Buuxoow

Waxaa Dhamaan U Tacsiyadeeyneenaa
Qaraabadii Uu Ka Tagay Iyo Dhaman Caruurtiisa
Oo Kala Jooga Yaman Iyo Xamar Iyo Walaalahiisa Oo Kala Ah
Muxudiin Xaaji Buuxoow
Xaaji Abuu Xaaji Buuxoow
Xuseen Xaaji Buuxoow
Iisha Xaaji Buuxoow
Iyo Dhamaan Reer Xaaji Buuxoow Oo Dhan
Meelkastoo Ay Joogaan
Naxriistii Jano Alaah Ha Waraabiyo
Waxaa Eebe Ugu Bariyeenaa Inuu Maxruumka U Dambi Dhaafo
Kana Waraabiyo Janatul Firdoowsa
Aamiin Aamiin Aamiin

Guddoomiyaha iyo Guddiga Ururka Banaadiriga ee dalka Holland kalana ah:

-Ceydaruus Macow Xaaji
-Col. Shariif Cumar Zeno
-Cabdulqaadir Cali Boolaay
-Iman Nuureni
-Cadeey Xaaji Macow
-Faaduma Cusmaan Suufi
-Xaliima Mahye Xaaji
-Abanuur Cabdalla
-Cabdulqadir Maxamed Cali (Kaadir)
-Cali Cumar (Oskar)

Waxey tacsi oo tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey

Marxuum Shariif Abuukar Xasan

oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada London ee wadanka Ingriiska
Waxeyna Eebe ugu baryeenaa inuu marxuumka u dambi dhaafi kana waraabiyo Janatul Firdowsa
Aamiin..Aamiin.


Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji iyo Xaaskiisa
-Ismaaciil Maxamed Cusmaan, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
-Shariif Calawi

Waxaan tacsi oo tiiraanyo leh u direynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey

Marxuum Shariif Abuukar Xasan

oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada London ee wadanka Ingriiska