Sanadyaal ka bacdi markii dalka Soomaaliya lagu soo waday
ummad takoor, musuqmaasuq, cadaalad xumo iyo xaqiraad ayaa
bishaan Nofember 4, 2012, ayaa noqotay maalinta soo dhoweyn
iyo xasuus mudan kaddib markii madaxda sare ee Jamhuuriyadda
Federaalka, ay go'aamiyeen in nidaamkii foosha xumaa ee 4.5
la aaso.
Runtii, malaayiin Soomaali ah oo habeen iyo maalin ka qayli
jiray ummad takoorka 4.5 oo in muddo ahba la sharciyeeystay
si awoodda dalka iyo hawlaha qaranka loo boobo.
Bisha Nofember 4eeda 2012, taariikhda Soomaalida waxay ku
galaysaa maalintii sinnaanta iyo cadaaladda. Waa maalin,
malaayiin Soomaali ah, intii ay arrinta tooska u qoseysay
iyo taageerayaashooda, dabaal degi doonaan sannadkasta.
Waxaa kale la xasuusan doonaa oo taariikhda bog dahab ka
gali doono, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Prof. Xasan
Shaikh Maxamuud oo arrintaan ka dhigay tilaabaddii ugu
horeysay oo lagu saxay khalad soo jiray sanooyin badan.
Adduunka weli kama dhicin istakoorid noocaan ah. Dalka
Maraykanka waxaa ka jiray midab takoor oo caddaan iyo madow
ah iyo Koonfur Afrika sidoo kale Dawladdii caddaan ahaa
waxay ku dhaqmi jireen nadaamka Apartheid oo caddaan iyo
madow ahaa.
Ma dhicin nooca takoorka Soomaalida meel kale lagu
dhaqmaayay. Dad isku diin, isku af ah, isku dhaqan ah, isku
midab ah, oo si rasmi ah loo hirgeliyay. Soomaaliya kali ah
laga yaqaan.
Amerika waxaa burburiyay takoorka ama addoonsiga, Madaxweyne
Abraham Lincoln sannadka markuu ahaa January 1, 1863.
Koonfur Afrika, Madaxweyne F.W. de Klark ayaa ku dhawaaqay
February 1990, in Nelson Mandela laga soo saaro xabsiga
kaddibna waxuu bilaabay in uu baabiyo midab takoorka.
Soomaaliya waxaa taariikhda gali doonaa oo bog dahab ku soo
bixi doonaa, Madaxweyne Xasan Shaikh Maxamud oo si geesinimo
ah ku jirto u go’aamiyay in nidaamka foosha xun ee 4.5 la
baabi’yo.
Sida aad aragteen, dawladda cusub ee Ra’iisul Wasaaraha,
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo toban xubno ah waxay ka
kala yimaadeen shan beelood oo min laba ah. Taasi waxay guul
u tahay sharafta sumcadda Soomaaliya iyo madaxda maanta
hayso xukunka.
Wa Billahi at-Towfiiq.
Hambalyo