Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ku soo qab-qabtay 11 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyada al-shabaab.
Taliyaha booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la tuhunsan yahay la isugu geeyey magaalada Hargeysa, si baaritaan loogu sameeyo.
Taliyaha ayaa hawlgallada ku sheegay inay yihiin kuwo lugu adkeynayo ammaanka, balse waxaa howl-gallada cambaareeyey qaar ka mid ah ganacsatada oo sheegay in howl-gallada qaarkood oo laga sameeyay goobo ganacsi ay ahaayeen kuwo u dhacay hab aan wanaagsaneyn.
Source: Bar-kulan