Howl gallo Askar Lagu dilay oo Ciidamo ka tirsan dowladda ay ka

0
1389

KorneelTaliyaha Gaaska koowaad ee Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faafahin ka bixiyay Howl gallo Ciidamada Milatarika Dowladda ay ka sameeyeen inta u Dhexeysa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhaxe iyo Magaalada Muqdisho.

GeneralCaanood20130429 ayaa waxa uu Sheegay in Ciidamada Milatariga ee Howl galka sameeynayay ay Toogasho ku dileen Askar kat irsan Ciidamada Dowladda oo isbaaro u tiilay Deegano ka tirsan Gobaolka Sh/dhaxe kuwaasi oo Lacago farabadan ka Qaadanayay Gaadiidka isticmaalo Gobollada dhexe ee Dalka isagoo Xusay in Askarta la toogtay ay gaarayaan 4 askari halka 6 kalana lagu Dhaawacay kuwa kalane ay gacanta ku soo Dhigeen Ciidamada Militariga Dowladda kuwaasi oo uu Sheegay Taliyaha in Baaritaanno ay ku socdaan sharcigana lasoo taagi doono Dhawaan.

Taliyaha Gaaska koowaad ee Ciidanka Xooga dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in sidoo kale Ciidamada Dowladda ay gacanta ku soo dhigeen dad reer miyi ah oo uu Sheegay in Fal dhac ah ay ku hayeen Gaadiidka isticmaala Deegaanada Gobolka Sh/dhaxe iyo sidoo kale Gobolada dhexe ee Dalka isagoona Carabka ku Dhuftay in Dadkaasi ay u gudbiyeen Xarunta Danbi Baarista Dowladda ee S.I.D si danbiga ay leeyihiin loogu qaado.

Jeneraal Cabdulahi Cali Caanood ayaa sidoo kale waxa uu faafahin ka bixiyay Dagaallo ka dhacay Duleedka Magaalada Jowhar kuwaasi oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Ururka Al Shabaab isagoona tilmaamay in Dagaalladaasi ay Geysteen dhimasho iyo Dhaawac soo kala Gaaray Dhinacyadii Dagaalamay.

Ciidamada Milatariga Dowladda Soomaaliya ayaa malmihii Dambe waxa ay Howl gallo ka sameynayeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/dhexe oo Isbaarooyin Farabadan ay u yaaleen rag ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

 

Source: Shabelle