Al Shabaab oo weeraray degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

0
1471

Somalia, child soldierCiidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Ceelbarede oo ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku weerareen Saldhig Ciidamada dowlad iyo Itoobiyaanka ay ku lahaayeen magaalada Ceelbarde Xalay saqdii dhexe.

Dagaalka oo wax qasaaraha gaystay waxa dadka deegaanka ay ku waramayaan in uu qalqal ku riday bulshada oo hurdayay isla markaana aan filanayn dagaalo ka dhaca degmadooda oo daganeed waayhii dambe tan iyo markii laga saaray Al Shabaab.

Caweer Axmed Gudoomiyaha degmada Ceelbarde waxa uu sheegay in Shabaab soo weerareen magaalada balse laga awood roonaaday lagana saaray magaalada si weyna looga hortay is ku daygoodi la xiriiray soo galida Ceelbarde sida uu yiri.

Gudoomiyaha Ceelbarde ayaa sheegay in waxa dhibaato ah uusan ka soo gaareen dagaalka ay soo qaadeen Al Shabaab waxa uuna sheegay in guud ahaan Shabaab ay ka sifaanayaan Gobolka Bakool oo dhibaato badan ay u gaystaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Source:  Waasan